Cisbitaalka Burco oo Laga Bilaabay Adeeg Caafimaad oo Lacag La’aan ah

Burco(OWN)- Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashaneysa hay’adda Al-basar ayaa Cisbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka bilowday adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo daaweyn iyo qalliin indhaha ah loogu samaynayo dadka aragga naafada ka ah, ama aragtidoodu hoosayso.

 

Agaasimaha cisbitaalka guud Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahin ayaa bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan adeeg bixinta caafimaad ee bilaashka ah.

Dr. Cabdi waxaa uu sheegay in muddo todoba cisho ah ay socon doonto adeeg bixintaasi. Agaasimaha oo arrimahaa faah faahinayaana waxaa uu yidhi.”Waxa cisbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer laga bilaabay, olole dadka indhaha loogu qalayo, kaas oo isugu jira mid indhaha dadka loogu jeexayo iyo qalliin, waxaana iska kaashanaya adeeg bixintan caafimaad hay’adda Al-basar Foundation iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ololahan oo hore looga soo fuliyay gobolada Awdal iyo Gabiley, imikana waxaa laga bilaabay magaalada Burco waxaanu isugu jiraa qalliin iyo daaweyn”

 

Agaasimaha ayaa bulshada gobolka Togdheer ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan oo aanay dayacin fursadda dawaynta iyo qalliinka ah ee lacag la’aanta ah.

 

“Qaliinka ayaa socon doona muddo todoba cisho ah, bulshada reer Burcona waxaan ugu baaqayna in ay ka faa’ideystaan fursadan adeeg bixinta ah ee magaalada ka socota, cidkasta oo reer Somaliland ah oo ka faa’ideysanaysa jaaniskani wuu furan yahay muddada todobada cisho ah ee uu socdo, adeeguna waa bilaash oo waa lacag la’aan waxaana iska kaashanaya hay’adda Al-basar Foundation iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somalilland, dadka waxaanu ugu baaqaynaa inay ka faa’ideystaan adeegan bilaashka ah ee lacag la’aanta ah ee ay wasaaradoodii caafimaadku u fulineyso”

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker