Xildhibaan Gobollada Gableedka Somaliland ku soo Arkay Xayawaankii iyo Dadkii oo Biyihii isku Haysta

Axmed Aadan Qalinle, kana tirsan  mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa si weyn uga dayriyay xaalada abaareed ee dalka ka jirta.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in safar uu ku tagay degaano ka mida gobollada galbeedka Somaliland, in uu ku soo arkay xayaawanada ay ka mid yihiin, Doofaarka, Waraabaha, Daanyeerka iyo bini’aadamkii oo abaartu kulmisay, isla markaa biyihii isku haysta.

Waxaanu soo jeediyay xildhibaanku in wasaaradda degaanka iyo hay’addaha ku shaqada leh arrimaha degaanku ay qorshe ka yeeshaan abaarta soo noq noqotay, ee saameynta xoogan ku yeeshay dadka iyo degaankaba.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ka waramay sidii loo kala xadaynlaha dhul daaqsimeedka iyo dhul beereedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker