NINKII MASAARIIFTA KU SIIN JIRAY XABSIGA MA U TAXAABI LAHAYD.

Sheekada Ugu Qosolka Iyo Xiisaha Badan Ee Maalmahan Danbe Shacbiga Magaalada Hargaysa Ku Sheekaystaan Ayaa Noqotay Baadhitaanka Hantidhowrka Qaranku Ka Bilaabay Wasaarada Warfaafinta.Somaliland.

Runtii Waxay Noqotay Mid Lagu Maadaysto Oo Xiisihii Riwaayadaha Oo Kale Dadka Badankiisu U Dareemayaan.

Kolka Aad Dhegaysato Doodahooda Waxay Kuu Sheegayaan. Inay Ka Aamin San Yihiin Baadhista Hanti Dhowrka Galay Wasaarada Warfaafinta Sheeko Baraley.Aan Laga Filaynin Wax Natiijo Ah.Oo Dadweynuhu U Riyaaqo.

Waxaana Dadka Badankiisu Ku Tilmaamayaan Gacmo Daalis Aan Macno Badan Samaynayn,Maadaama Aanay Weligood Hore U Arkin Hanti Dhowr Intuu Hay’ad Dawladeed Galo Si Cadaalada Ah U Gutay Hawlihii Loo Igmaday,

Waxay Kuu Sheegayaan Dadka Indheer Garadka Ahi,Inay Waqti Xaadirkan Sheedda Ka Daawanayaan,Sida Ay Wax U Socdaan Balse Natiijada Kasoo Bixi Doonta Ay Iska Sii Garanayaan.

Cabdi Xasan Yuusuf Oo Ka Mid Ah Dadka Siyaasada U Dhuun Daloola,Oo Aanu Si Gaar Ah Dareenkiisa Ku Aadan Xaalada Hantidhowrka Qaranka Uga Sheekaysanay,Ayaa Si Kooban Iigu Sheegay Inuu Xog Ogaal U Yahay Habdhaqanka Hantidhowrka La Sheegayo Inay Wax Baadhayaan,Isagoo Tusaale Usoo Qaatay Inuu Qadar Lacag Ah Ku Lahaa Dhowr Bilood Ka Hor, Mid Ka Mid Ah Madaxda Sare Ee Hantidhowrka Qaranka,Muddo Markii Uu I War Wareejinayay Ayuu Yidhi Oday Cabdi Xasan,Waxa Sarkaalkii Hanti Dhowrka Ahaa Maalinkii Danbe Kolkaan U Imiday Uu Telefoon Kula Hadlay Mid Ka Mid Ah,Agaasimayaasha Maamulka Wasaaradaha Dawlada Oo Uu Diiday Inuu Magaciisa Xuso.Waxaanu Ku Amray Buu Yidhi Inuu Lacagtaas Bixiyo,Oo Uu Aniga I Siiyo…

Kolkii Uu Ka Soo Jeestay Sarkaalkii Hanti Dhowrku Teleefankii Wuxuu Igu Yidhi Eeyaa Oday Cabdi,Lacagtaadii Ninka Magacaa Leh Ee Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta  Ka Ah Wasaaradaasi U Doono,Oo Yeynaan Maalin Danbe Is Arkin…Maalintaas Maan Haleelin,Balse Waxaan U Tegey Buu Yidhi Maalinkii Xigay Ninkii Uu Ii Sheegayay, Sarkaalkii Hanti Dhowrku Meel Buu I Fadhiisiyay Kadibna Lacagtaydii Oo Aan Shilin Ka Dhinayn Buu I Siiyay.

Kolkaa Hantidhowrka Aad Ii Sheegayso Ee Aad Leedahay Musuq Buu Baadhayaan  Waa Ka Caynkaas Ah Ee Kuwii Ay Baadhi Lahaayeen Ee Loo Diray Laaluushka Siinayaan Oo Iyagaaba Quudiya.

Haddiise Xukuumadani Ka Duwan Tahay Kuwii Hore Oo Daacad Ka Tahay Boobka Hantida Ummadda Waynu Eegi Adeer, Ayuu Cabdi Xasan Kusoo Af Meeray Hadalkiisii.

Cabdi Daauud ciise(dalmar)

abdinacfi2013@gmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker