Muuse Biixi lix Bilood ayuu ku banjarey, kolkaasu ku haftey xilkii, Ceel Afweyn wuu xalili kari waayey, Culimo ayuu u direy Tukaraq wuu ku banjarey,

Muuse Biixi Lix bilood ayuu ku wareeray, oo Wadankii Gude & Debedba ka
soo xidhmay, oo gudihii Colaado & Dagaalo ay kaga furmeen, oo Wasiirkii-
iisi Ina Kahin waxba ka qaban kari waayey, oo kolkuu ku raftey Culimo loo
direy.
Wasiirkiisii Debeda ayaa Safaarad & Dawlada Debeda aan hor tegi karin oo
xaqul-qalin & Qandaraasyo & DPW & shirkado uu leeyahay ku mashquulsan
oo uu Muuse Faysal Faaruq u dirtey Farmaajo wax inooga soo qaad, oo shirkii
Biljamka uu u direy, Faysalna uu ku andacoodey Somaliya ka mid baanu nahay
oo Maamul Goboleedyada qaybtoodii ayaanu Farmaajo u soo doonanay oo
uu Cali Khaliifna ku andacoocaya isna waa Maamul Khaatumo oo S/Land ka
mid ah oo isna qaybtiisii ayuu rabaa.
Hadaba, Baarlamaanka Somaliland dembigaa ayaa wax ku leh oo S/land in
maamul goboleed noqoto, Farmaajo uu Faysal Baryo uula tago iyagaa wax
ku leh, oo Siilaanyo Odeygii Daalinka ahaa ee Baabi,iyey S/Land wax kasta u
ansixiyey iyagoo dheemaal ka doortey shaqadoodii ay umada u ahayeen.
Sidaas Darteed, Bal Baarlamaanka S/Land Muuse Biixi oo aysal u dirtey Shirka
Biljamka oo Farmaajo igala soo hadal waa inay Labadaa Waa Muuse & Faysal-
ba talaabo sharciga ka qaadaan, hadii kale awalba wax mataryaal ayey ahaayeen Dhaameelka & Mooshinka ku suga Golaha, ee hays la dunto S/Land
Nin walba Calankuu doono ha ka dhex taago, Farmaajo haw baryo tago.
Ta Kale, Bal baarlamaanku Muuse ay wax ka qabtaan daayo, Wasiirka Sacad
Cali Shire, ee Debedii oo dhan soo xidhantey, ee beenta umada la hor taagan
ee xiitaa Dekedii Berbera ay xidhmayso, ayaanay xiitaa xilka ka xayuubin &
Dembiile qaran 7 Khiyaamo qodob ah aanay kaga qaadi karin Xilka Wasiirnimo
ee Arimaha Debedaha ee soo xidhmay, Muuse & Faysalna Shacabku kama
sugayo inay Baarlamaanku wax ka qabtaan.
Sidaas Darteed, Somaliland Nin walba wa halkii u banaanato haw dhaqaqqao
Calankuu doono ha qaato, waayo Sharcigii & Dastuurkii lagu heshiiyey hadaanu shaqaynayn, oo Muuse & Faysal & Sacad Cali aan maanta cid u yeedhaysa oo Maxkamad saaraysaa jirin, waayo Sacad wuxuu ku andacoodey
Baarlamaanku may tagaan Debedaha & Safaaradaha oo ay aqoonsiga doonaan
halkaas ay Somaliland ku dambaysey, lixdii Bilood Muuse wuu ku banjarey ee
maxaa wakhtiyo dambe lagu gaadhi, hadaan Xilka laga qaadin Muuse wey soo
xidhmi S/Land.
Wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker