” Wixii Ka Dhacay Gobolada Canfarta Iyo Axmaarada Kaliya Ma Aha Guuldarada Soo Gaadhay Kooxda TPLF “

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaan ku faraxsanayn in Jabhadda Tigray ee Itoobiya (TPLF) ay dib u guranayso, laba bilood ka dib markii ay u soo gudbeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa taas oo walaac ku abuurtay beesha caalamka.

Isagoo la hadlayay Sudans Post saaka, diblumaasi ka tirsan kooxda TPLF oo ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in Museveni uu u sheegay Debretsion Gebremichael inuu aad u diidan yahay go’aanka ay ciidamada TPLF dib ugu gurteen ka dib markii ay guulo ka gaadheen ciidamada federaalka Itoobiya.

“Wixii ka dhacay gobolada Canfarta iyo Axmaarada kaliya maahan guuldarada soo gaadhay kooxda TPLF iyo xulafadeeda, balse waxay niyad jab ku tahay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo aan haba yaraatee ku faraxsanayn guulihii iyo horumarkii aanu ka samaynay maamulka dabadhilifka ah ee Abiy Axmed,” ayuu sarkaalku u sheegay Sudan Post isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Museveni iyo wiilkiisa ayaa la rumeysan yahay inay taageersan yihiin Tigreega dagaalka ka wada Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker