Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Taliska ciiamada Mareykanka ee Africom ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen duqeyn ka dhacday deegaan 74 km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in talisku xaqiiqsaday in duqeyntan sidoo kale aysan ku dhiman ama ku dhaawacmin dad rayid ah.

Mareykanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii waddida difaaca muwaadiniintiisa, islamarkaana loo wiiqi lahaa ama meesha looga saari lahaa awooda kooxaha xagjirka ah oo ay Shabaab-kuna ka mid yihiin waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale taliska Mareykana ee Africom uu sheegto in ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker