Xaaladda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Oo Murugsan Iyo Xildhibaano Hanjabay

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray xayiraad uu guddoonku ka saaray ka qeybqaadashada fadhiyada baarlamaanka shanta fadhi ee soo aaddan. Shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaalada Muqdisho, ayay xildhibaannadan ku sheegeen inaysan u hoggaansameyn amarka guddoomiyaha baarlamaanka, isla markaana ay ka qeyb galayaan kulamada baarlamaanka. Warqadda xayiraadda oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo nuqul ka mid ah BBC-da la soo gaarsiiyay, ayaa waxaa ka qaybgalka fadhiyada looga joojiyay 15 xildhibaan. Xildhibaannadaas ayaa lagu eedeeyay inay hor istaageen fadhigii shalay, hasayeeshee isla xildhibaannadaas ayaa guddoonka golaha shacabka waxa ay ku eedeeyeen inay ajanda kale oo qarsoon ay wateen oo ay meelmariyaan.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada maanta qabtay shirka jaraa’id ayaa sheegay in guddoomiye Maxamed Mursal “Awoodda keliya ee guddoomiyaha uu leeyahay xilliyada fadhiyada waa tan ku cad dastuurka ee si cad u qeexaya, haddii ay jirto fowdo ama nidaam darro, guddoomiyuhu wuxuu xiri karaa fadhiyada wuxuuna ajandaha maalintaas dib ugu dhigi karaa kulanka xiga. Farriinta Golaha Shacabka maanta loo diray waa na soo gaartay waana tageynaa shirka berri Insha Allah. Warqadda sharci darrada ah ee magacyadeenna lagu qoray ee Mursal askarka uu u dhiibay dhiiggeennana lagu banneysanayay wixii nagu soo gaara mas’uuliyaddeeda si shakhsi ah waxaa u qaadaya Guddoomiye Maxamed Mursal. Mursal waxaan leennahay shuruucda dalka wax jeebkaaga geli kara waa ka weyn tahay ee dastuurka iyo xeer hoosaadka dalka mudane u hoggaansan,”. Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in shalay ciidamo dhar cad lagu soo daabulay xarunta baarlamaanka, isagoo sheegay in arrintaas ay kala hadleen guddoomiyaha baarlamaanka, balse aysan ka helin jawaab ay ku qancaan. “Guddoomiyaha nalagama xishoon si aan gambasho lahayn ayuu inoogu sheegay in ciidamada meesha jooga uu isagu dalbaday isla markaana uu kuwo kale oo siyaado ah uu dalban doono,”. Wuxuu sheegay in ciidamada la geeyay baarlamaanka uu hoggaaminayay nin Al-Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Shakiib haatanna ka tirsan Nabad Sugidda. Balse BBC-du ma xaqiijin karto warkaas. Dhanka kale, Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inaysan jirin wax laga mamnuucay laakiin ay arkeen warqadda ka soo baxday “guddoomihii hore ee baarlamaanka.”

Warqadda waan aragnay laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiaga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan. Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad waxa ay doonayaan in sac baqtiyay ay caano ka maalaan marka hadalkooda wax macno ah ma sameeynayo.”

Xildhibaanadan ayaa waxa lagu eedeynayaa inay khalalaase ka aabuureen fadhigii shalay ee Baarlamaanka oo ay joojiyeen ajandihii hase yeeshee Xidig ayaa sheegay inay hortaagan yihiin, ayna hortaagnaan doonaan”mashruuc ka dhaxeeya guddomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal, ku xigeenkiisa Mahad Cawad iyo madaxweyne Farmaajo oo doonaya inay waqti kororsadan.” BBC-da ayaa Xidig weydiisay halka ay ka keeneen xogta muddo kororsiga ee ay ku doodayaan, waxa uu ku jawaabay: “Waa ay iska caddahay in raggaasi ay doonayaan muddo kororsi oo ay ku hawlan yihiin sidii ay ku soo fashilin lahaayeen shirka ka socda Afisiyoone.”

Waddankaasi Soomaaliya Somaaliya ayaa waxaa hadheeyay khilaaf xooggan ka dib markii ay doorashada ku dhici weysay waqtigii loogu talagalay waxaana marba marka kasii dambeysa sii xogeeysanaya khilaafka u dhaxeeya hogaamiyaasha dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo midowga murashixiinta. Muddada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto iyada oo xaaladdu sii xumaatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker