Masuuliyiin Falstiiniyiin ah oo Antonio Guterres Ugu Baaqay Inuu Cadeeyo Maqifka uu ka Taagan yahay Dhibaatada Ka Taagan Gaza

Ururka ka Hortaga Xayiraada Falastiin ayaa ugu baaqay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres in uu cadeeyo dhibaatada ka taagan magaalada Gaza.

Madaxa ururkan Mr Jamaal Khudari ahna mudane ka tirsan Baarlamaanka Falastiin ayaa ka dalbaday in Xukuumada Israel cadaadis lagu saaro in ay qaado xayiraada ay ku heyso dalka Falastiin.

 

Mr Khudari ayaa intaa ku daray in xaalad Bani aadanimo ay ka jirto Magaalada Gaza taasi oo ka dhalatay dhibaatada Isreal.

Sida laga soo xigtay xildhibaanka 85 boqolkiiba ayaa shacabka magaalada Gaza waxay ku nool xaalad aan Wanaagsaneyn.

 

Xukuumada Tell Aviv ayaa xayiraad xoogan oo dhanka socdaalka ah ku soo rogtay magaalada Gaza sanadkii 2008-dii taasi oo nolosha shacabka Falastiiniyiinta ka dhigtay mid Adag.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker