Iran Oo Xidhay shabakadda Mossad Ee U Shaqeyneysay Israel

Dawladda Iran ayaa  maanta ah sheegtay in ciidamadeeda amniga ay xidheen shabakad u shaqeyneysay Israel, islamarkaana ay qabatay keyd hub ah oo la doonayey in loo adeegsado xasillooni darro ka dhalatay biyo la’aan oo dalkaas ka jirta, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

 

Iran ayaa inta badan cadowgeeda dibedda sida Israel, Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ku eedeysa inay qalalaase ka abuurayaan dalka, ayaga oo hurinaya dibad-baxyo iyo rabshado.

 

Warka maanta kasoo baxay dowladda ayaa yimid ayada oo ku dhowaad laba toddobaad ay dalka ka socdaan dibad-baxyo looga cabanayo biyo yari, oo badankeed ka jirta koonfurta galbeed ee Iran, kuwaas oo isku rogay siyaasad kuna faafay qeybo kale.

 

Mas’uuliyiinta ayaa ku eedeeyey mucaarad hubeysan inay huriyeen isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay rasaas ku fureen dibad-baxayaasha.

 

“Howlwadeeno ka tirsan Mossad ayaa doonayey inay qalabkan u isticmaalaan dibad-baxyada magaalooyinka iyo dilal,” waxaa sidaas yidhi sarkaal ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka, oo ay soo xigatay warbahainta dowladda, isaga oo ula jeeda hay’adda sirdoonka Israel.

 

Hubka la qabtay ayaa waxaa ku jira bistoolado, bam gacmeedyo, qoryo iyo rasaas, sida uu sheegay sarkaalka oo aan la magacaabin, oo intaas ku daray “Qaar ka mid ah kuwan waxaa loo adeegsaday in lagu huriyo isku dhacyo intii ay socdeen dibad-baxyada.”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker