Dib u jaleec waayaha dalkaaga..Q.1aad

Dib u jaleec waayaha dalkaaga
Dal waliba taariikh diisa leh,waqti walibana waayahiisa leh.
Akhriste,waxa aan idin la wadaagi doonaa qormooyin gaa-gaaban oo taxane ah kuna dul xaadin doono sooyaalka dalkan JSL hadii Eebo idmo.
Sida ay iigu warrameen odayaal goob joog ahaa iyo tixraacyo aan ka soo xigtay qoraalo ay maamulayaashii ingriis ee soo xukumay dalkan ka qoreen dhamaan waxay caday nayaan xornimada ka hor Somaliland inay dhawr calan bedeshay balse kani ahaa kii ugu danbeeyay.Xog ururinta aan ka sameeyay calamada ay lahaan jirtay British Somaliland waxa ku cad kani inuu ugu danbeeyay looguna talo galay inuu noqdo calanka uu yeelan doono dalkani,laguna bedelo calankii ingriiska habeenkii xoriyada uu qaadanayay dalkan,magacuna noqdo Jamhuuriyada Somaliland(Republic of Somaliland) oo ah magacan maanta dalkan la yidhaa balse ayaan darro waxa dhacday in la saaro calankii lagu hungoobay oo uu nashqada sameeyay oday la odhan jiray CAWAALE (AHN) oo ka soo jeeday gobolka Majeerteeniya,looguna talo galay in lagu bedelo calankii Italy Somalia! Maxaa hadaba iska bedelay ama sababay ku talo galkii calankaa gaarka u ahaa British Somaliland in habeenkii xoriyada (26 June 1060) laysu waydaariyay calamada ee loo sudhay kii ay lahaayeen Italy Somalia?
Waxaan ku iftiimin doonaa qormada danbe.
La Soco Qaybta 2aad.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
Badmah100@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker