Kala badh dadka Qasa ayaa qarka u saaran macluul sida ay ka digtay Qaramada Midoobay

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ka digay in kala bar dadka Qasa ay macluulayaan maadaama uu wali dagaalku socdo.

Carl Skau, oo ah agaasime ku xigeenka barnaamijka cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qayb yar oo ka mid ah sahayda loo baahan yahay ay gashay marinka – 10kii qofba sagaal ka mid ah maheli karaan cunno maalin kasta.

Xaaladda ka taagan Qasa ayaa keentay “ku dhawaad ​​wax aan macquul aheyn”, ayuu yiri Mr Skau.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay tahay in ay sii wado duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayso Qasa, si meesha looga saaro Xamaas, isla markaana loo soo celiyo la haystayaasha Israa’iil.

Afhayeenka ciidamada Israel Lt Col Richard Hecht ayaa BBC u sheegay sabtidii in “dhimasho kasta iyo xanuun soo gaara qof rayid ah ay xanuun badan tahay, laakiin ma hayno badal kale.”

“Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u helno inta ugu macquulsan gudaha marinka Gaza,” ayuu yiri.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker