Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo Maanta kulan ka leh xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doonta Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, haweeneyda dhawaan lasoo magacaabay Catriona Laing, iyadoo ka Warbixin doonta Arrimo dhowr ah.

Kulankaan Xarunta Qaramada Midoobay ee NewYork maanta ka furmaya markii ay saacadu tahay , 5:00-ta galabnimo waqtiga Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeedin doona Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Mohamed El-Amine Souef., waxaana Golaha Ammaanka ay ka dhageysan doonaan Warbixin la xiriirta Ciidamada ATMIS iyo howlgalada la fuliyay.

Qaramada Midoobay ayaa il gaara ku haysa gaar ahaan arrimaha Colaada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, taasi oo u dhexeeysa ciidanka maamulka Somaliland iyo kuwa SSC, dad farabadan ayaana ku naf-waayay Colaada oo bilooyinkii lasoo dhaafay jirtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker