Barack Obama oo abaal marin ku guuleystay

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa ku guuleystey abaal marinta sheekada ugu wanagsan ee Emmy Award Sabtidii.

Tani ayaa aheyd dokumentari si taxana ah loogga sii daayey barta filimada Netflix. Sheekada ayaa halku dhigeedu wuxuu ahaa “Seerayaashayada waa weyn ee qaranka”.

Shirkada wax soo saarka ee Obamas, Higher Ground, ayaa iska laheyd iskuduba ridka taxanaha shanta qaybood ee “Seerayaashayada waa weyn ee qaranka”.

Abaal marinta Emmy, ayaa waxaa ka horeeyey oo uu ku guuleystay Obama laba abaalmarin oo Grammy ah.

Tani ayaa ka dhigaysa inuu heyso abaal marinada Emmy, Grammy, Oscar iyo Tony.

Waxa uu noqonayaa madaxweynihii labaad ee taariikhda ee ku guulaysta abaal marinta Emmy.

Taxanaha Netflix, ayaa wuxuu soo bandhigayaa quruxda dabiiciga ah ee ku baahsan shanta qaaradood ee adduunka, wuxuuna soo gudbiyey goobo ay ka mid yihiin Chilean Patagonia iyo Indonesia.

Tartamayaasha kale ee qaybta ka ahaa sheekada, ayaa waxaa ka mid ahaa David Attenborough, Lupita Nyong’o iyo Kareem Abdul-Jabbar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker