Waa Maxay Saameynta ay Somalida ku yeelan karto haddii la joojiyo isu socodka maraakiibta

Muqdisho (OWN) – Waxaa sii Xoogeysanaya walaaca laga qabo Cudurka Coronavirus oo haatan adduunka si xowli ah ugu faafaya, iyadoo dalal badan uu saameeyey xanuunkaan ay la tacaalayaan, mana jirta illaa iyo hadda daawo lagu bogsoon karo oo loo isticmaalo Corona, waana tan sii murjineysa xaaladda.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey oo laga helay cudurka, kaasi oo ah qof lagu karantiilayo garoonka Muqdisho, oo ka yimid dalalka cudurka uu ku faafay.

 

Xanuunkan oo markiisii hore ka soo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa gaaray wadamo badan oo ay ka mid yihiin kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia,  Koonfurta Kuurya, Maraykanka, Talyaaniga, Japan, Faransiiska, Britain, Kenya Itoobiya iyo dalal kale oo badan.

 

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Fayruskan u Aqoonsatay xaalad caafimaad oo caalami ah, guud ahaan tirada dadka caalamka ugu geeriyooday caabuqaasi waxay kor u dhaaftay 5,500 oo qof, iyadoo in ka badan 114,000 oo kalena laga helay Fayruska.

 

Shabakadda wararka ee Worldmeter ee uruurisa Kiisaska cusub ee Koronafayruska waxay sheegtay inuu fayruskan ku faafay in ka badan 115 waddan.

 

Dalka Koonfurta Kuuriya waxaa caabuqaasi laga helay 7,513 qof, dalka Talyaaniga 9,172 qof, Iraan 7,161 qof,  Japan 530 qof,  Faransiiska 1,412 qof, Mareykanka 729 qof iyo Britain oo caabuqaasi laga helay 321 qof.

Xeel-dhe

 

erayaasha ayaa rumeysan in maalmaha soo socda ay suurtagal tahay in la hakiyo isu-socodka maraakiibta, xilli hore loo hakiyey inta badan duuliaadyada. Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya waxaa ay ku Tiirsan tahay Cuntoonyinka uga yimaada dibadda inta badan, waxaana saameyn ku yeelan kara go’aankan.

 

Sababta loo xanibi karo isu socoda maraakiibta ayaa ah cabsi ah in cunada ay soo rarayaan shaqaalaha dalalka kale laga yaabo inay qaarkoo qabaan xanuunka, halka shaqaalaha markabka saaranna ay u gudbin karaan dalalka ay tagayaan.

 

Dadka arrimahan xog ogaalka u ah ayaa  tilmaamaya mar hadii uu istaago isku socodka dunida, gaar ahaan maraakiibta cuntada keenta in qiimaha oo cirka isku shareeri karo sicir bararna uu ka dhalan karo.

 

 

Waxay ka digeen in haddii ay sidaas dhacdo ay dad badan oo Soomaali ah ay halis u geli karaan nafaqa darro baahsan, maadaama aysan Soomaaliya laheyn warshado ay uga maarmi karto waxyaabaha uga yimaada dibadda.

 

Waxay soo jeediyeen in ka hor inta aan la hakin maraakiibta isaga kala gooshta caalamka in dadka Soomaaliyeed ay keydsadaan cunto ku filan muddo 3-bil ah, gaar ahaan cuntooyinka energy-ga badan leh sid baastada, burka, bariiska, saliida, iyo kuwa kale ee muhiimka u ah aadanaha, dhinaca kalana waxaa lagusoo waramayaa in wadamo uu gaaray cudurkaan sida Yurub inay cuntada ka go’day goobaha weliba ay haawanayaan dukaamada kadib markii dadku ay ku yaaceen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker