Dawladda Itoobiya oo Sii Daysay Kun Askari oo Ay Afduubteen Xooggaga TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ku guuleystay sii deynta 1,000 ka tirsan ciidamada militeriga oo ay sheegeen inay ‘afduubteen’ xooggaga TPLF kaddib dagaalka ka dhacay Tigray.

Muddo ku dhaw laba toddobaad ayaa laga joogaa markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in lasoo afajary dagaalka kaddib markii ay sheegtay in militeriga ay qabsadeen caasimadda Mekelle.

Ciidamada lasoo daayay waxaa kamid ah taliye ku xigeenkii saldhigga militeriga ee waqooyiga, saldhiggaas oo ay horre dowladda federaalka ay sheegtay inay weerar ku qaadeen ciidamada TPLF horraantii bishii hore, tallaabadaas oo horseeday in dagaal uu dhexmaro ciidamada dowladda iyo xooggaga TPLF.

TPLF weli kama ayna hadlin wararka ku saabsan sii deynta ciiidamada.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya waxay beeniyeen suurtagalnimada ah in dagaal uu ka dhaco Tigray inkasta oo ay qireen inay jiraan ‘dagaallo goos goos ah’.

Dhawaanahan ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca TPLF balse horraan waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya- kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kusoo duuleen gobolka Tigray.

Qaramada Midoobey waxay ka digtay in xaaladda ay faraha ka baxdo xilli xaaladda banii’aadanimo ay sii xumaaneyso.

Inkasta oo dowladda Itoobiya iyo Qaramada Midoobey ay wada gaadheen heshiis gargaar lagu gaadhsiinayo shacabka ku tabaaleysan Tigray weli waxaa la geli la’yahay gobolka.

Kumanaan qof ayaa ka qaxay colaadda Tigray kuwaas oo gaadhay dhinaca Suudaan.

Ra`iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen caasimadda Mekelle.

Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “wejigii ugu dambeeyay” ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah oo ay ciidamada federaalka la galeen kuwa gobolka Tigray.

Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaadhayaan 250,000.

Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-meeyadoo wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.

Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu Ra`iisal wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.

Mr Debretsion ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay “diyaar u yihiin inay ku dhintaan difaacidda xaqa maamulka gobolka”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker