Maxaad ka Taqaanaa Magaalada Lagu sugo Geerida ee ka mida Caalamka

Magaalada Varanasi ayaa la aaminsanyahay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu barakaysan caalamka, magaaladan ayaa laga hirgeliyey gurya ay dadka u yimaadan inay u dhintaan qaarna ay ku helaan nolol wanaagsam.

Weriye ka tirsan BBC oo ayaa u safray magaaladan bishii November ee sandkii la soo dhaafay, waxa uu sheegay in huteelkiisa isaga oo joogo uu maqli jiray qaylida ka imaanaysa dadka ducaysanaya.

Madaxa huteelka Manish Kumar Pandey ayaa waxa uu sheegay in dumarka carmalka ah oo aanan haysanin carruurta ay halkan yimaadan kaddib marka uu ninkooda dhinto.

Gayatri Devi from Rajasthan, waxa ay ka mid tahay dadka deegaanka , muddo ka badan shan sano ayey halkaan ku noolayd, waxa ay haysataa laba gabdhood iyo wiil oo ku kala nool qaybaha kale ee Hindiya balse badanaa ma soo booqdan hooyadood.”Waxwalba waa ay isbadelayaan marka ay carruurtaada guursadaan,” Ayey tidhi.

Sati Devi, ayaa sidoo kale muddo dheer ku sugnayd isla huteelkan,” Waxa aan rajaynayaa inaan halkaan ku geeriyoodo rajadayda ugu weyn ayaa taasi ah waana sababta aan halkan ugu suganahay.” ayay Tidhi

Labadan dumarka ah ayaa ka mid ah boqolaal qof oo muddo sanado ah Varanasi ku noolaa, sheegayna inay dhimashadooda halkan ku sugayaan.

 

Hindida ayaa aaminsan in Varanasi ay ka mid tahay magaalooyinka ugu barakaysan dunida. Dadkan ayaa aaminsan in magaaladan ay tahay qadiimi qisooyin badan oo soo jireen ah oo ku saabsan magaaladan ay horseeday in ay noqoto meesha loogu safarka badanyahay.

“Colimada Hindida ayaa qabta ama aaminsan in haddii lagu dhinto magaaladan ama lagu gubo maydka ay qofka u tahay wax wanaagsan.”

Waxa la aaminsanyahay in waliba sidoo kale  ay barakaysan Tahay marka maydadka lagubo lagu rido inay helaan cafis ama dambi dhaaf.

 

Guryaha magaaladan ku yaala ayaa badanaa waxa qarash gareeyo hay’addaha . Dadka halkan yimaada oo badanaa waayeelo ah Waxay Caawimo iy0 Gargaar ka Helaan Ha,adaha

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker