“Waxa Geedka lagga -haya Gudin yahay i maad goyseen haddana badhkay kugu jirrin”

Waa ta Maanta ina heysata haddaynu Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeed.

.

 

Basaasinta Ismaaciil Cumar Geelle Hargeysa kamay dhexe hanjabeen haddan Ummadda Jamhuuriyada Somaliland aynaan is dagin, oo daluunta isu qodin aynu ku dhexe jirro.

 

Madax -sirdoonka Ismàciil Cumar Geelle ee Hargeysa xarunta uu ka howl galla  tahay waxa uu si cad oo badheedh ah u u sheegay in Jamhuuriyada Somaliland noqoto sidda Xeebta DJabuuti xoriyad hadal la,aanta ka jirta oo kale aad iyo aad u la yaabsan yahay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee runta is dul-taagay iyo xaqiiqda damac Ismàciil Cumar Geelle wax u yahay iyo waxa uu  xoog , Cudud iyo caqli ba uu ku bixinaayo siddii Jamhuuriyada Somaliland hadaan ugu ridi lahaa amma ugu dhici lahayd balse waa sidda caqligiisu iyo garaadkiisa ay siiyey.

 

.

 

Waxa inta u dheer dhiiranaanta iyo kalsoonida buuxda ee uu ku hadlayo, waayo waa mid uu aad u ogsoon yahay halka u rixinta Kaligii Taliye Ismaaciil Cumar Geelle heerkeedu gaadhsiisan yahay Jamhuuriyada Somaliland  gudaheeda wakhtigan  la joogo .

 

Hadalka Basaska Ismàciil Cumar Geelle waa in Xukumadu mawqif cad oo ka ah Qaranka ay soo saarta haddii kale waa ka fog tahay arinku sidda aynu u haysano waxanna sax hadalka basaska Ismàciil Cumar Geelle la wadaagay warbaahinta ee hanjabaad iyo handadu ku jirtay.

.

 

Muwaadin isweydii ma ku dhaca inuu sidda Basaska ina Cumar Geelle uga dhexe hadlaayo Casimadeenna,  Hargeysa inuu Ninka ,Madax ka ah Xafiiska , Jamhuuriyada Somaliland ee ku leedahay DJabuuti uu sidda uga dhexe hadli karro Jabuuti isagga waliba Xukumadda iyo Kaligii Taliyaheed ka dalbanaya Jawaab deg deg sidda ta Maanta Hargeysa ka dhacaday? Sidda aan ogahay wajaabtedda ku aadan Su,aasha waxa weeye maya, kumannan dhaco manna odhan karro waxa Basaska in Cumar Geelle ee Hargeysa ka yidhi Maanta.

.

 

Sidda marka tahay , Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeed wanaagsan waxa la gudboon siddii loogga falcelin lahaa qaabka aan inna qaban isla markaan qiyaamka qarannimadeen ka hor-imanaya .Madax Basaska Xeebta DJabuuti ee hargeysa ka hawl galla doonaayo inay Jamhuuriyada Somaliland noqoto si la mid ah DJabuuti iyo cabdhinta ka hirgayshay.

.

 

Waa dhidibada Qarankeenu ku taagan yahay Xisbiyada Qaranka waanna kuwa shaqadood iyo xilkooda dastuuriga ah yahay inay Xukumada ku ulaaliyaan inay ku jirto xaydaabka Qaranku leeyahay, sidda oo kale waxay ka howl geli karran kanna hadlayaan Xisbiyada Qaranka ka muxaafidka ah  iyo kuwa kale mucaaradka ahiba wax kast oo danaha Qaranka ka hor-imanaya sidda hadda taagan ee Gudoomiyaha Xisbiga UCID cod dheer ummada ugu sheegaayo inaan Kaligii Taliyaha Xeebta DJabuuti aanu dhexe ka aheyn arimaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya sidda awgeed ay waajib tahay inaan mar danbe  lagu dhaqaaqin khaladadkii aynu hore u galay.

.

 

Waa Biyo kama dhibcaan in Kaligii Taliyaha Xeebta DJabuuti gacan weyn oo mug iyo miisaankeeda leh ku dhexe leeyahay Jamhuuriyada Somaliland gudaheed gacantaas oo dhinacyo badan ah ay jirto. Hasa ahaate hadda iyo hore waajib ayey aheyd in aynu gafuurka kagga qabanno Hangoolka faruur yihiisa hore.

.

 

Dhibaatada ma ah mid ay cid kale gashay waa mid hogaanka Qaranku horseed yihiin Waxgaradka Haldoorka Aqoon-yahan Abwaaninta ildheergaradka Ganacsatdda Culimmadda iminkanna u dhaadhacday Ummadah qaybaheeda kala duwan.

.

 

In badan hadalka iyo gacanta ba waa dhowray hasa yeeshe hadda waxii ka danbeeya waxa Qaran ahaan inala gudboon inaynu yeelo waxii Nin wax isbiday lagga yeeli jiray. Ku dari-mayno ummadda Jabuuti  ee xariirt ah aynu walalaha nahay  kanna xun waxa Ninka Xukunka hogaanka ah iyo waxii ku gacan siinaaya waa inaynu iska celin waa lagga maar maan iyo maangal u  abaarno .

 

.

Waa mid aha la dafiri karrin runta iyo xaqiiqda sidda Gudoomiyaha Xisbiga UCID sheegay waa mid jirta oo marag ma doon ah ,Maanta waa tabba maraysa in Caasimadii Dalka Xusbiyadii Qaranka uu uga dhex hanjabaayo Basas aynu ognahay waxa uu qabto iyo waxa uu u joogo Hargysa balse aynu indhaha ka la linayno.

 

Gunaanadka iyo Gebo gebada.

 

Waxa la gudboona Aqoon yahanka Siyaasiyinta Madax-banaan iyo kuwa Xisbiyadda Dhalinyarada Hal-doorka, waxgaradka Culimada iyo Haweenka ,Abwaanada in ficilka Qiyaamka Wadankeen iyo jiri taankiisa ka soo horjeeda , Kaligii Taliyaha Xeebta DJabuuti meel looga wada jeesto. Meesha aynu ka saaro wax aynu inta badan isku maaweelin ee ah In Cumar Geelle Xidiid ayuu inala yahay iyo wax la mid ah .

.

 

Hiil iyo gurmad ayey inooga bahan tahay Ummadda Xeebta DJabuuti ugu afduuban kaligii taliyaha isagga, waxa aynu aad u neceb nahay Kaligii Taliya ayaa jira Maanta waxa inala gudboon ma ah sidda Ninka Ummadda Reer Jabuuti na u daran inagga inagga ka maadsada doqonimadeen iyo dareen la,aanteena.

 

IsmaaciilCumar Geelle Seednimo iyo milgaheeda ina uu quudhin wakhtiga saacidu ragganimo moodayey tii dhabta aheyd waa inaynu tusna .

 

Waxa hore loo yidhi Soomalidu kal xishoota ma laha ee kal baqday leedahy Taa inaggu waajibtay waana ta Ismàciil Cumar Geelle gacmah dib nooga kaa banaayo haddii sidda ugu haboon loo wajaho oo loogu dhaqaaqo.

 

fikrada xorta ah ee Muwaadinka

Abokor I Mohamud.

abokorm@hotmail.co.uk

Waa billahi Towfiiq.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker