Mahadsanid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle !

Mahadsanid Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle !

“‏ لاَ يَشْكُرُ اللَّهَ مَنْ لاَ يَشْكُرُ النَّاسَ ‏”‏ ‏.‏

Asalaamu Calaykum

Waxaan Mahadnaq balaadhan u dirayaa Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guud ahaan Shacbiga reer Jabuuti ee aynu Walaalaha nahay oo si Sharaf iyo Milgo leh oo ay Dhex-dhexaadnimo ku dheehan tahay u maamulay una maareeyay Shirkii ay u qabteen labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxay ahayd 5tii bishii September ee Sanadkii 1993 markii iigu horreysay, iiguna dambeysay ee aan Dalka Jabuuti booqday aniga oo ku sugnaa muddo saddex maalmood ah xiligaasi magaalada Caasimada ah ee Jabuuti.

Waxaan xasuustaa maalintii aan ka soo dhoofayay Madaarka Caasimada Hargeysa in Xafiiskii Shirkada
Diyaaradaha Hargeysa uu iigu yimi Allah Naxariistii Janno haka waraabiyee Ganacsade reer Jabuuti ahaa laakiin asalkiisu uu Somaliland u dhashay oo la odhan jiray Xaaji Xasan Guuleed qolo ahaana ahaa ( Reer Axmed/Sacad Muuse), waxa uu Xaajigu iga codsaday inaan Jabuuti usii kaxeeyo Wiil yar oo uu dhalay oo da’ahaan aan ku qiyaasi karo inuu Toban jir ahaa, wuxuu ii dhiibay baasaboor uu Xaajigu lahaa oo uu wiilkiisuna kula sawirnaa, waxaanuu igu yidhi Abti Inankani haku sii raaco oo gurigaygii Iyo qoyskaygii Jabuuti u gee anigu Hargeysa ayaan ku hadhayaa oo guryo dumay ayaan dib u dhis ku samaynayaa, waxaan ku idhi hawraar-san, intaan baasaboorkii Xaajiga ka qaaday ayaanu aniga iyo yarkii oo Maxamed la odhan jiray diyaaradii ku soo dhacnay.

Markii aanu soo gaadhnay Gegida diyaaradaha ee Jabuuti ayaan Saraakiishii laanta Socdaalka u dhiibay baasaboorkayga oo Soomaali ahaa, waxay iigu dhufteen Shaambadii gelitaanka Dalka waxaanay iga qaadeen lacag dhan Shan Kun oo Faranka Jabuuti ah, ka dibna waxaan u taagay baasaboorkii Xaaji Xasan Guuleed waxaanan ku idhi inankan yari aniga ayuu ila socdaa waana kan baasaboorkii Aabihii oo Hargeysa ku hadhay.

Sarkaalkii laanta socdaalka ayaa intuu xoog u yaabay igu yidhi ma waxaad sidataa baasaboor aanad lahayn iyo ilmo qof kale dhalay oo aanad Waalid iyo Masuul midna u ahayn… Heey waad Ruwaayadaynaysaaye intuu yidhi ayuu si yaab leh ii eegay!
Aniga seetada ayaa iigu duuban oo maba fahamsani inay sharci darro tahay waxan aan sameeyay ee ah baasaboor qof leeyahay iyo ilmo yar oo aanan dhalin oo aan diyaarad soo saaray, xataa maan fahamsanayn in la Iiga shakiyi karo inaan ilmaha soo xaday, waxaan ahaa Badaw Kibrsan oo cirkaa isla maraya oo aanay arrimahaasi uba bilownay, intaan giir iska kiciyay oo aan afka taagay ayaan weliba sarkaalkii daalac u raacay oo aan ku idhi waar Askari sow aniga baasaboorkaygu sax maaha, inankani waa reer Jabuuti ee ama haysta ama sii daaya laakiin aniga waxaad igu haysataan maan fahmin.

Intuu Askarigii yaabay oo uu qoslay, isla markaasna uu arkay inaan ahay qof iska daacad ah oo aanay uba bilownayn oon aan fahamsanayn wuxuu igu haystay ayuu igu yidhi ma haysaan Taleefanka reer Xaaji Xasan ee Jabuuti, haa intaan ku idhi ayuu Taleefan u diray reerkii oo uu u sheegay inay Madaarka yimaadaan, waxaa Madaarkii noogu yimi oo gurigii noo kaxeeyay Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Guuleed oo imika Dalka Maraykanka ku sugan.

Dabcan xiligaas fog wixii ka danbeeyay way isoo mareen fursado badan oo aan Jabuuti ku tagi karayay hawlo shaqo iyo arrimo kaleba, hase yeeshee maan jeclaysan jirin Siyaasada Dawlada Jabuuti ee ku jihaysnayd Jamhuuriyada Somaliland 29 kii sanadood ee ay Somaliland jirtay taasi oo sababtay in dad badan oo dadweynaha reer Somaliland ka mid ahi ay ka gaws-qabsadaan siyaasadaasi.

Hadaba waxaa mudan in imika la Hambalyeeyo Kaalinta qiimaha badan iyo Doorkii dhexdhexaadnimadu ay ka muuqatay ee ay Xukuumada Jabuuti ka ciyaartay Shirkan dhex maray labada Dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanan mar kale ku Hambalyaynayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacbiga reer Jabuuti sida qiimaha badan ee ay Walaalnimadu ku dheehan tahay ee ay usoo dhaweeyeen Wafdigii reer Somaliland ee uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo sidii dhexdhexaadnimada lahayd ee ay u maamuleen shirkii ay ku wada hadlayeen labada Dal ee Somaliland Iyo Soomaaliya.

Waxaan aad ugu Rejo-weynahay inuu aad u xooggaysan doono Xidhiidhka Iskaashi iyo Walaalnimo ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland Iyo Jabuuti imika ka dib.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker