Garoonka Koonis oo loogu Magacdarayo Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Marxuum Yariisow.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa amray  in mid kamid ah garoomada kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kuyaala magaalada Muqdisho loogu magac daro guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

 

Garoonka caanka ah ee Koonis, islamarkaana katirsan garoomada ugu caansan dalka ee kubadda cagta, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah lagu soo gaba-gabeeyo tacsida iyo baroor diiqda geerida guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah garoonka Koonis kaga dhawaaqo in laga badalay loona bixiyay garoonka kubadda cagta ee Yariisow.

 

Alleahha u naxariistii guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ayaa u dhintay dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkii 15 cesho ka hor lagu qaaday xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo aan ilaa hadda la shaacin waxa uu ahaa.

 

Dad badan oo Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay dalbanayay in taalo loo sameeyo duqii magaalada Muqdisho ama loogu magac daro mid kamid ah wadooyinka gobalka Banaadir sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker