Golaha Wasiirradda Soomaaliya oo Ka Horyimid Ansixinta 12 Safiir

Golaha Wasiirradda Soomaaliya ayaa shir ay  yeesheen ku qaadacay ansixinta ilaa 12 safiir oo ay soo gudbisay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warar ka soo baxay shirka golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sheegaya in sababta loo qaadacay ansixinta safiiraddan oo aan la sheegin mid walba dalka loo magacaabay tahay dood ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada oo sheegay in habka magacaabistan aan lagu saleyn saami-qeybsiga beelaha oo isku dheelitiran, islarmarkaana yihiin safiirro hal dhinac u badan.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in markii danbe uu dib u celiyay safiiradan madaama ay dood ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiirradu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker