Shirweynihii KULMIYE Ee Ka Socday Boorama Oo Lagu Doortay Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Ku-xigeenkiisa

Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Boorama ayaa waxa uu galay maalintiisii labaad, waxaana shir guddoomiyanayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

 

Shirka ayaa waxa lagu ansixiyay 260 xubnood oo ka kooban yahay golaha dhexe ee xisbiga kuwaas oo doortay guddoomiyaha golaha dhex iyo ku-xigeenkiisa.

Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE:

Xildhibaan Maxamuud Jaamac waxa uu helay 257 cod.

Shariif Abokor Maxamed waxa uu helay 13 cod.

Qaabka ay u dhacday codaynto guddoomiyaha ku-xigeenka golaha dhexe ee KULMIYE:

Cabdi Siciid Faahiye waxa uu helay 21 cod

Nasra Maxamed Cabdi waxa ay heshay 44 cod

Cali Maxamed Cali waxa uu helay 200 oo cod.

Shirka waxa guddoomiye golaha dhexe loogu doortay Xildhibaan Maxamuud Jaamac , halka guddoomiye ku-xigeena loogu doortay Cali Maxamed Caliyow.

Shirkan oo shir guddoominayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu u muuqday mid hore loogu soo kala baxay oo la soo calaamadiyay cidda noqonaysa hoggaanka golaha dhex.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker