Golaha Ammaanka oo War kasoo saaray doorashada Somalia 2020 iyo khilaafka DF iyo maamul goboleedyada

New York (OWN) – Golaha Ammaanka  ee QM oo Warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa Hoosta ka Xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, oo Loo wada dhan yahay, laysku Hallayn karo, cad, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah.

 

Haddii sidaas ay dhacdo, ayaa lagu yidhi Warbixinta Golaha, waxay noqon doontaa tallaabo Taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda dalka.

 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

 

Waxa uu sidoo kale Golahu Ku  baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira.

 

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey dhibaatada wada-shaqeyn la’aaneed ee ka dhex taagan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay inay caqabad ku tahay sidii lagu Gaadhi Lahaa Isfaham Buuxa oo ay u dhan yihiin Darafyada qaranku.

 

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaadho arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

 

 

Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaadho xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

 

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Waxaanuu ku Baaqay Wakiilka QM ee Soamlia Mr  James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli Lahaa waddo horey loogu socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker