Doorashadda 2022 Iyo Talooyiin Qore Mukhtar Cilmi

asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.

Ayaamahan waxa ka socda gobolada somaliland kacdoon diidma ah kuna saabsan qabashada doorashooyinka iyo saamigii lagu gali lahaa, arinta kow waxa ka seecday ninka heshiiskaas ku jira ee cabdiraxmaan cirro marku ahaa gudoomiyaha baarlamaanka 12 kii sanadood. Xisbiyadii waxay dadka ku maawelinayaan heshiis in doorashadda 2020 la qabanayo, horta caqligii mee iyo sharcigii heshiiskan lagu gaadhay?…

Maanta awdal iyo sanaag iyo sool way diidanyihiin waxaana ka iman karta mudaharadyo iyo colaad dhimasho keeni karta, somalilandna gobol kursi uma tanaazuliyo gobol kale.waxaana ku haboon madaxweyne muuse biixi in u heshiiskan ka baxo oo tira koob dalkan galo bilawga 2021 si gobol walba saamigiisu halkaas uga soo baxo…kadibna sida u xeerarku dhigayaan ururo la furo si tartanka doorashooyinka loo galo 2022 wadadaas aya sharciga waafaqsan..

Heshiiskan waxa ku baryootay faysal iyo cirro si ay wajigooda iyo mawqifkuda u badbaadiyo muuse!. Lkn heshiskan waxa ka hor yimi diidmada golayaasha barlamaanka iyo gudoomiyaha gurtida saleebaan  oo aan marnaba ansixin doonin heshiiskan ,dhowr xildhibaana afkooda ka sheegay marka la weediyey..

imika waxay rabaan labadaas xisbi in ay ka shubtaan musharaxiinta lacagtii musharax nimadoodi 20 kun dollar cala musharax! ,waxaana u soo jeedinaya musharaxiinta suga wakhtiga dhabta ah 2022 ee ururada la furayo yaa laydinka cunin waxaad u soo tacabtayn !!!!…

Wakhti badan waayno haysana talaabooyinka loo baahan yahay in lagu dhawaaqo :

1- tiro koob iyo diwaangalinta muwaadiniinta december 2020 ila june 2021.

2- furashada ururada xisbiyada iyo tartankood july 2021 ila december 2021.

3- qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka iyo baarlmaanka april 2022…..

Waxanaa ku boorinaya xukuumadda in golayaasha deegaanka yarayso ka dhigto:

Caasimada Hargeysa 17 kursi

Magaalooyinka A. 13 kusi

Magaalooyinka B. 9 kursi

Magaalooyinka C. 6 kursi

Qore Mukhtar cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker