Hoggaanka Xisiga WADDANI Oo Tallaabooyin Cunaqabatayn Ah Ku Soo Rogay Afhayeenkii Xisbiga Barkhad

Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa la sheegay inay dabayaaqadii sanndkii hore ay shaqadii ka joojiyeen Afhayeenkii Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun,kaddib markii uu madmadow soo kale dhex-galay, wallow aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI,kaas oo si toos ah u caddaynaya in shaqo ka joojin laggu sameeyey Afhayeenka,balse haddana waxa xaqiiq ah in aanu Afhayeenku muddo ku siman shan bilood wax shir saxaafadeed ah ku qaban xarunta guud ee Xisbiga WADDANI,isla markaana aanu ku haddal afka Xisbigaas .

Waxa kale oo ay xoggo aanu ka helnay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI qaarkood ay u sheegeen Wargeyska Waaberi in aanu afhayeenku sannadkan hadda aynu ku jirno aanu hal maalin tegin xafiiskiisii uu ku lahaa xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa,taas oo muujinaysa tuhunka sheegay inuu jiro khilaaf hoose oo u dhexeeya isaga iyo madax-da sare ee Xisbiga.

Dhanka kalene waxa baadhitaan iyo dabagal uu sameeyey Wargeyska Waaberi soo baxday in war-baahinta Xisbiga WADDANI sida facbuuga twitter iyo Yutuyuubka lagga joojiyey baahinta wararka Afhayeenka Xisbiga,halka wakhtigii hore si joogta ah looga baahin jiray shirar saxaafadeed yadda kale duwanaa ee uu qaban jiray ama haddaladii uu ka jeedin jiray xafladdihii uu ka qayb-geli jiray ,hase-yeeshee hadda xaalku waa is beddelay oo lama baahiyo muuqaaladiisa iyo haddaladiisa iyo xattaa magaciisa midna sida ku cad qoraalkan oo aanu ka soo qaadanay bogga Xisbiga WADDANI oo lagga baahiyey kullan uu habeekii Axadii uu musharrax Cirro la qaatay saxaafadda,kaas oo uu goobjooga ahaa afhayeenku,balse haddana sida ka muuqata qoraalka lagguma xusin “Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Guud Mudane Khadar Xuseen iyo masuuliyiin kale ayaa caawa kulan la qaatay bahda saxaafadda madaxa banaan ee magaalada Hargeysa ka hawl gasha.”ayaa laggu yidhi qoraalka ka soo baxay 9 April 2022-ka Xisbiga WADDANI

Sidoo kalene kullankaas oo uu khudbad ka jeediyey Afhayeenka Xisbiga ayaan laggu baahin facbuuga iyo yuutuyuubka Xisbiga WADDANI, halka khudbadihii Musharrax Cirro iyo Guddoomiye Xirsi iyo xoghayaha guud oo qudha laggu baahiyey degalada Xisbiga,hase-yeeshee aan laggu baahin haddalkii afhayeenka,waxaanay arrintani muujinaysaa in xattaa laggu soo rogay afhayeenka cunaqabatayn la xidhiidha dhanka war-baahinta Xisbiga WADDANI,taas oo loo nisbaynayo madmadow soo kale dhex-galay isaga iyo hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker