Mucjisada Magaalo Ku Taala Sucuudi Carabiya Oo Lagu Sheego Inay Ahayd Magaalo Habaar Qabta

Hegra waa magaalo taariikhi ah oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee Gacanka Carbeed. Meeshan oo ka tirsan waddanka Sacuudi Carabiya waxaa lagu arkaa waxyaabo iyo raadad ku taariikhyesan xilli aad u fog. Qabaa’il ayaa goobtan ku noolaan jiray kunkii sano ee ugu horreeyay taariikh xisaabeedka Dhalashadii Nabi Ciise ka hor (CS).

Laakiin waxay aad caan ugu tahay haraadiga dadkii boqortooyada madaxa bannaaneyd ee Nabataean-ka iyo qabuuraha dhismaha layaabka leh loo sameeyay ee ku yaalla dhulka lamadagaanka ah. Boqortooyadaasi waxay jirtay qarnigii ugu horreeyay ee taariikh xisaabiyaha BC. Jerome Rohmer, waa khabiir ku xeel dheer taariikhda dadkii hore.

Isagoo sharraxaad ka bixinaya waxyaabaha lagu xasuusto goobtan ayuu yidhi: “Dabayaaqadii qarnigii 1-aad ee BC, dadka loo yaqaanno Nabataean-ka ayaa halkan yimid, oo soo dagay Hegra waxayna horumariyeen magaalada, xilligaasna waxay u badan tahay inuu maamulayay mid ka mid ah boqorradoodii ugu waaweynaa ee la odhan jiray Aretas-kii afaraad. Dadkani waxay goobtaas uga tageen dhammaan qabuurahoodii waaweynaa.”. Markii ay taariikhdu isbaddaleysay, magaaladan waxay ahayd qeybta ugu muhiimsan dhinaca koonfureed ee boqortooyadii Nabataean-ka, sida uu sheegay Rohmer.  “Waxaa lagu tilmaami karaa inay ahayd caasimaddii koonfureed ee boqortooyada Nabataean, halka caasimaddooda ugu weynna ay ahayd Petra oo hadda loo yaqaanno Urdun,” ayuu yidhi.

“Halkan waxa ku yaalla qabuuro aad u badan oo lagu sameeyay dhagaxyo la qoday. Qabuurahan waxay la mid yihiin kuwa ku yaalla Petra. Dadka Nabataean-ka waxay isku xidhiidhinayeen Gacanka Carbeed iyo Dunida ku teedsan badda Mediterranean-ka.”

Wuxuu sheegay in boqortooyadaas ay wadashaqeyn fiican la lahaayeen maamulladii Roomaanka, Giriigga, Faarisiinta iyo Masaarida.

Axmed Alimam, oo ah nin ka sheekeeya taariikhda deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in Hegra ay ahayd meel xuddun u ah isu socodka qaar ka mid ah dadkii isaga kala gooshi jiray gobolka.

“Qeybta jirta dhinaca waqooyiga galbeed ee gacanka waxay marin muhiim ah u ahayd safarreydii mari jirtay halkan. Dadkii ka socday Roomaaniyiinta, Giriigga, Cumaan, Yemen iyo cid walba oo halkan si nabad ah ku mari jirtay.” Ayuu yidhi.

Muddo aad u dheer ayey dadku aaminsanaayeen in Hegra ay tahay meel habaaran. Sida laga soo xigtay sheekooyinka taariikhiga ah, dadka halkaas dagganaa waxaa si gaar ah ugu dhici jiray dhul gariirro iyo danabka roobka ama jacda, sababtoo ah waxay caabudi jireen asnaam. Markii ay boqortooyadii Roomaanka qabsatay halkaas, Hegra waxay noqotay magaalo ka tirsan xukunkii Roma.

Wax badan lagama oga waqtigii intaas ka dambeeyay, marka laga reebo in dadkii Nabataean-ka ay sii dabar go’een. Badda Cas ayaa qaadatay inta badan dhulkaas, wuxuuna noqday marin ganacsi oo muhiim u ah dunida. Kaddib Roomaaniyiintii waxay ka door bideen inay magaalooyin kale dhistaan. Maanta, Hegra waa goob taariikhi ah oo ay maamusho hay’adda Unesco, waxaana loo tagi karaa dalxiis.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker