Gaza oo laga cabsi qabo inay macaluuli ka dillaacdo

Saraakiil ka tirsan hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay Salaasadii, inay jirto halis aad u weyn oo ku saabsan, in marinka Qaza ay ka dillaacdo macaluul xooggani, haddii aan dagaalka la joojin.

Ramesh Rajasingham oo ah agaasimaha isku-xidhka ee xafiiska arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in haddii aan wax tallaabo ah la qaadin, in laga cabsi qabo inay macaluuli ka dillaacdo marinka Qaza.

Agaasimaha ayaa sheegay in dagaalkan ka socda Qaza uu yahay mid khasaare badan geystay, iyada oo ay ku dhinteen in ka badan 30,000 oo qof, halka dhaawacuna gaadhayo in ka badan 70,000 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.

Ramesh ayaa hadal u jeediyey, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii ay sidaas ka codsadeen dalalka Algeria, Guyana, Slovenia iyo Switzerland oo xubno ka ahi, xilli ay sii kordhayaan walaaca la xidhiidha, in gaajada loo isticmaalo sidii hub dagaal oo kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker