Siyasi Abdiraxman Ubaxle oo cidanka Dabdamiska Burco ku hambalyeyey sida ay ugu Hagar bexeen badbadinta Nafta iyo Hantida Shacabka iyago aan haysanin qalab ku filan.

Asalamu Aleykum wa raxmatulahi wa barakatu.

Ciidanka Dabdamiska Gobolka Togdheer waxay maanta iyo maalmo hore oo badan badbadiyeen hanti ay leyihiin shacabka reer Burco oo dab qabsaday iyagoo xiligan uu ku yaryahay qalabka ay ku hawl galaan iyo Xarunta ay deganyihiin oo aan weli u dhamaystirmin lakin waxay la kaashadeen khibradii iyo tababarkii lagu soo siiyey Xarunta Ciidanka Dabdamiska Qaranka ee Hargeysa.
Waxan ciidankan ku hambalyeynayaa sida ay heeganka ugu yihiin saacad kasta inay u gurmadaan marka loo soo sheego aafo dab anigoo la socda duruuftooda ilaa maalintii ay hawsha bilaabeen, waxan shacbiga reer Burco ku dhiiri gelinayaa inay garab taagnaadaan ciidankaas oo u fududeeyaan gudashada hawshooda.
Akhlaaqda iyo daacadnimada iyo hanaanka wanaagsan ee ciidankani ku shaqeeyaan waxaa suurta geliyey hogaanka fiican ee hogamiya Cidanka Dabdamiska Qaranka oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Cidanka Dabdamiska Qaranka General Axmed Sawaxili iyo Agasimaha Fulinta Cabdiqadir Cumar Xaashi.
Waxan mar labaad iyo sadexaad ku baraarujinayaa Ganacsatada iyo Qurbajooga reer Togdheer inay ka qayb qaataan dhamaystirka Xarunta Ciidanka Dabdamiska Qaranka ee Gobolka Togdheer oo laga dhisayo halkii ay ahaan jirtay Warshada Galeyda ee Burco qaabka loo dhisi doonaana ay noqon doonto sida aan Sawirka idiinku soo gudbiyey.
Wa bilaahi towfiiq
Garyaqan Abdiraxman Ali Ubaxle
Burco Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker