SHIRKA BURCO IYO KHAYRKA LAGA FILAYO

Dhawaan waxa lagu dhawaaqay shir lagu qabanayo Burco oo dhex maraya reeraha Habarjeclo iyo Garxajis.

 

1. Marka si weyn loo fiiriyo baahida loo qabo in bulshadu ka baxdo kala qaybsanaanta.
2. Marka si mug leh loo eego baahida loo qabo in dadku garto dantooda iyo faa’iidada wadajirkooda.
3. Marka la dhugto Baahida loo qabo in laga xoroobo xumo dillaalka bulshada iyo kas-gaabka.
4. Marka la dheehdo baahida loo qabo in guud ahaan dadku walaalo.
5. Marka loo fiirsado sida ummaddu ugu baahan tahay in intii isku deegaan ahiba si wadajir ah uga shaqeeyaan horuumarka bulshada ee deegaankooda iyo guud ahaan dalkaba.
6. Mar la qiimeeyo sida shirkaas looga filayo inuu noqdo kii walaalayn lahaa ummadda oo dhan, ee lagaga bixilahaa kala shakiga, is tuhunka, wax kala riixashada.
7. Mar la eego hadalka qiimaha leh ee dhawaan ka soo baxay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee shirka qabanaya.

Waxa la odhankaraa:
1. Shirkaasi waa horseedkii guusha iyo wadajirka bulshadeenna.
2. Waa furihii tawfiiqda iyo wadajirka ummadeenna.
3. Wadkii qabyaaladda iyo xumo-dillaalka bulshada.
4. Waa dawadii cudurka kala qaybsanaanta iyo xintanka.

Intii iyo in kale oo badan baa laga filayaa. Waxaanan rajaynayaa in dawladnimada iyo dadkuba ka raysan doono inta xumaha loo kiraysto.

Ilaah baa mahad leh.

Qallinkii: Keyse-iftiin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker