Qoys Soomaali ah Oo e Ku Nool Qurbaha Oo Gaadhay Go’aan Lala Yaabay

Qoys Soomaali Ah  oo degaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Hargeysa ayaa go’aansaday inay ka guuraan dalka Denmark oo ay deganaayeen, iyagoo dib u celinaya sharciga dalkaasi oo ay haysteen.

Aabbaha qoyskan Maxamed Cabdi Kaahin, oo qoraal bartiisa Facebook ku baahiyay ayaa sheegay in reerkiisu go’aansaday inay dalkii hooyo u soo guuraan. Wuxuuna ku tilmaamay go’aankan mid adag balse sax ah inkastoo uusan sheegin sababaha ku kalifay arrintan.

Soomaalida ku nool qurbaha qaarkood oo qaatay baasaboorka dalka marti geliyey ayaa sanadahan dambe waxaa caado u aheyd iney dalka u guuraan ama booqasho gaaban ku tagaan hase ahaatee qoyskan ayaa kaga duwan celinta sharciga iyo baasaboorka Denmark ee ay heysteen taasoo ah arrin naadir ah oo aan aan looga baran Soomaalida qurbaha ku nool.

Sheekada qoyskan iyo go’aanka adag ee ay qaateen oo dad badan oo Soomaali ah ka yaabiyay ayaa hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada

Qoraalka aabaha qoyskan oo la yiraahdo Maxamed Cabdi ayaa sidan u dhignaa:

“Bismillaah:

Waxa aannu go’aan rasmi ah ku qaadannay aniga iyo reerkaygu inaanu kasoo guuro Denmark oo aanu degganayn, una soo guurro dhulkii hooyo ee Alle naga beeray.

Sidoo kale waxa aanu go’aan ku qaadannay gabi ahaan sharciyadii aanu haysannay ee waddankan Denmark inaan u celinno oo cancel garayno – waa go’aan adag laakiin waa go’aan sax ah oo aanu u aragno inuu yahay mid khayr badan noo leh qoys ahaan.

Waxa la joogaa xilligii aynu aamini lahayn oo ku noolaan lahayn dhulkeenna – Alle ha inoo barakeeyo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker