Hooyo! marna waan ooyey, marna waan murugooday, adiga dartaa!

Hooyo! marna waan ooyey,  marna waan murugooday, adiga dartaa!

“Nin aad dhashay kuma dhalin ayaa la yidhi”. Maahmaahdaasi waa sax.

Bal ma idiin sheegaa laba mar oo midna aan ooyey midna aan murugooday, hooyaday darteed?

Fikrad ahaan waan ku qanacsanaa xaqa waalidka. Ilaahay ka sokow in cidda xaqa igu lihi tahay waalidkay. Weliba in hooyadu xaq dheeraad ah leedahay, waxan u yaqiinsanaa caqiido ahaan.

Laakiin aaminsanaanta iyo dareenka dhabta ahi kala duwan. Waxan isu qabay qof baarri ah oo ka fog waalid caasi.  Ducada hooyaday ayaa i illowsiisay in aan dembiile ahay.

Bal aan idiin sheego laba jeer oo aan dareemay in aan dembi ka galay.

1- Habeenkii uu dhashay wiilkayga curad

Waxa uu ku dhashay isbitaal Sweden ku yaal. Dhaqanka Sweden waxa weeye in aabbuhu dhinac joogo hooyada marka ay foolanayso iyo marka ay umulaysaba. Taasi waxa ay keenaysaa in aabbuhu dareemo xanuunka daran ee ay la baaxaadagto hooyadu. Xanuunka foosha waxa lagu qiyaasay sidii in 40 lafood oo lafahaaga ka mid ah midba mar la jajabiyo. Dhash, dhash, qac, bac. Aniga mar qudha ayey laftaa cududdu i jabtay oo kaarkii waan joogi waayey.

Waa ay nagu dheeraatay fooshi. Habeen ama laba ayaannu ku dhaxnay dhakhtarka intii aanu ilmuhu dhalan. Markii uu wiilku dhashayna, laba habeen oo kale ayaannu ku sii jirnay dhakhtarkii.

Intaa waxa isu kaayo beddelayey dhakhaatiir, kalkaalisooyin iyo umulisooyin. Qiyaastii 20 qof oo takhasus wada leh ayaa noo adeegay muddadaas.. Cuntada umushu bilaash ayey ahayd. Dharkii iyo agabkii kale ee ay ummusha iyo ilmuhu u baahnaayeen bilaash ayey ahaayeen.  Agabka caafimaad iyo dawooyinku bilaash ayey ahaayeen. Qolal gaar ah, musqulo iyo tuushash biyo leh ayaannu haysannay.

Sidaas oo ay tahay waxa uu qalbigaygu suurayn kari waayey xanuunkii la soo mariyey hooyadaas. Markaas ayaan xasuustay hooyaday!

Waan ooyey! Waan ka xumahay in aanan marna dareemin xanuunkii hooyaday ay iga soo martay, wakhtigaas ka hor.

Waxay i dhashay wakhti kaliil ah. Bishu shabcaan ayey ahayd. Waxay igu dhashay baadiye. biyo ma jirin. Caano ma jirin. Raashinna reerku ma haysan. Weliba sahan ayaa maqnaa oo u yimid in reerku habeenkaa guuro. Waana la  guuray laakiin hooyo halkii ayaa lagaga tegey, iyada oo aan umulin

Dhakhaatiiri lama joogin. Umulisooyin lama joogin. Kalkaalisooyin caafimaad lama joogin. Habaryartay ayaa meel kale oo fog uga timid in ay caawiso.

Hooyo! Ma wixii xanuun aan arkay ayaa cidlo kaa helay. Markaas ayaanad biyo haysan, oo aanad cunto haysan oo aanad sariir haysan?

Waxan dareemayaa dembi!

2- Murugadii wiiggan!

Wiigaggan ayaan murugooday, markii aan ka fikiray sida aan uga werwero carruurtayda

Inta ay iskuulka ku maqanyihiin,

marka ay bannaanka ku ciyaarayaan

iyo haddii midkood aanan ogeyn meesha uu markaa joogo, waan werweraa.

Markaas ayaan xasuustay intii aannu werwer iyo murugo ku ciqaabnay hooyo.

Bal mar kale ayaan idiinka sheekayn, intii jeer ee walaalahay ama anigu aannu iska baxsannay ee ay  meelo daran naga soo heshay muddo dheer ka dib.

 

Bal adna ka fikir hooyadaa qaali.  Anigana ii soo ducee in uu iga dhaafo wixii gaabis ah ee aan ku sameeyey xuquuqdii waalidka.

 

 

Mohamed Hirsi G Abdibashir

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker