Ex. Wasiir Xaglotoosiye Oo La Sheegay Inuu Ku Sii Jeedo Xagga Maaamul Gobolleedka Puntland Iyo Guryihii Uu Ku Lahaa Hargeysa Oo Uu Iibiyay

Hargeys(OWN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Xukuumaddii hore ee Kulmiye Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa sida warar xog ogaal ahi Wargeyska Foore u xaqiijiyeen gabi ahaanba ka xamaan urursaday Somaliand una sii jeeda maamul Goboleedyada Soomaaliya,gaar ahaan Maamulka Garoowe.

Illo-Wareedyo u dhuun daloola Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa Wargeyska Foore u iftiimiyay inuu Gabi ahaanba Xaraashay laba guri oo uu ku lahaa Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafada Masalaha ee Koonfurta Hargeysa,iyadoo lanoo xaqiijiyay inuu labadaasi Guri mid ka mid ah ka iibiyey Ganacsade Afdiinle oo ka mid ah tujaarka Qaadka ka ganacsata ee Somaliland,waxaanay wararkaasi intaasi ku dareen inay guryahiisaasi uu iibiyay ay Qayb ka yihiin islamarkaana ay muujinayso go’aanka rasmiga ah ee uu ka qaatay ka sii mid ahaanshiyaha Siyaasiyiinta Reer Somaliland,iskuna diyaariyay inaanu dib ugu soo laaban Magaaladda Hargeysa.

Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa waxa uu mudo dheer horjooge u ahaa Jabhad reer Buuhoodle ah oo dagaal kula jirtay Somaliland waxaanu August 11, 2012 heshiis rasmi ah la galay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee uu hogaamiyay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,iyadoo uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland taasi oo uu la dhamaystay Muddo Xileedkii Siilaanyo. Sida warbixintani nagu soo gaadhay hadda waxa uu ku sugan yahay Saleebaan Ciise Xaglotoosiye Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraatka Carabta,waxaanu gabi ahaanba ka Xamaan Gurtay Dalka Somaliland la noo xaqiijiyay inuu u sii jeedo dhinaca Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay Somaliland bishii u dambaysay Dagaal Dhiig ku daatay kula jirto.

Xigasho: Wargeyska Foore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker