Martiqaadka Madaxwayne Muuse Biixi Loo Fidiyey Waa Shirqool Dhagaraysan !!!!!!.

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland
Axmad-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa
Somaliland Republic.
Madaxwayne  Muuse Biixi Safarka Uu Wadanka Itoobiya Ugu Baxayo Ma Wuxuu Noqon Doonaa Safar Midho Dhalkiisa Ay Ku Farxaan Shacabwaynaha Somaliland Oo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad Shuruudo Adag La Hor Dhigo, Mise Safarka Madaxwayne Muuse Biixi Wuxuu Noqon Doonaa Safar Shacabwaynaha Somaliland Ay Adhaxda Kaga Jabaan Oo Madaxwayne Muuse Biixina Uu Noqdo Madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo Oo Sida Xoolaha Uu Ugu Adeegto Raysal Wasaare Abiy Axmad, Oo
Madaxwayne Muuse Biixi Laga Saxeexdo Afar Dekedood Oo Farmaajo Hore Looga Saxeexday, Hal Dekedna Ay Ku Taalo Somaliland, Gaar Ahaan Degmadda Saylac!!!!!!!!,  Marsada Saylac Oo Farmaajo Hore Ugu Saxeexay Raysal Wasaare Abiy Axmad??????, Iyo Sidii Aanay Somaliland Ula Samaysan Xidhiidh Ganacsi Wadanka Kenya????!!!, Somaliland Aanay La Samaysan Karin Wadanka Kenya Xidhiidh Ganacsi Oo
Qaad Ama Jaad Uga Yimaada Wadanka Kenya ????!!!!!!, Raysal Wasaare Abiy Axmadna Wuxuu U Yeedhiyo Madaxwayne Muuse Biixi Uu Duuduub Ku Qaato!!!!!!!!.
Madaxwayne Muuse Biixi Waa Inuu Ku Shaqeeyaa Rabitaanka Shacabwaynaha Iyo Qaranimadda Somaliland, Balse Aanu Noqon Sub-Station Ama Shaqsi Lagu Shaqaysto, Waa Inuu Meeqaamkiisa Madaxwayne Iyo Meeqaamka Somaliland Leedahay Aanu Hoos U Dhigin, Jooga Uu Ku Duulayaana Uu Noqdo Joog Sare Oo Haybadii Somaliland Ku Lahayd Caalamka Uu Boodhka Ka Tumo, Oo Uu Shuruudo Adag Hor Dhigo Inanka Yar Ee Uu Dhali Karayo Ee La Yidhaahdo Abiy Axmad, Shuruuduhuna Waa Inay Noqdaan:-
1. Qaranimadda Somaliland Waa Lama Taabtaan, Wadana Uga Haybadaysan Mayno Aqoonsiga Aanu Caalamka Ka Sugayno Inay Xagal Daaciyaan Ama Ay Khasab Nagaga Dhigaan Midnimo Dambe Oo Dhexmarta Somaliland Iyo Soomaaliya.
2. Wadankasta Oo Nagula Macaamila Inaanu Ahaan Jirnay Wadan Xoriyadda Ka Qaatay 26/june/1960 Wadanka Ingiriiska, Oo Xoriyaddiisii Kula Soo Noqday Awood Milateri, Kuna Dhawaaqay 18/may/1991 Wadan Xoriyaddiisii La Soo Noqday, Muddo 28 Sano Ahna Caalamka Ka Sugayey Aqoonsi Buuxa.
3.  Somaliland Oo Muddo 28 Sano Ah Wadanka Itoobiya Ugu Iman Jiray Maandooriyaasha Gaar Ahaan Qaadka Ama Jaadka Oo Qaadka Maalintii Itoobiya Uga Yimaada Lagu Qiyaasay 400,000 Usdollar, Itoobiya Waxaa Maalintii Gala Dhaqaale Aad U Fara Badan, Qaadka Oo Keliya Markaynu Xisaabino 400,000*30=12,000,000 Usdollar, Bishii Waa Laba Iyo Toban Milyan Oo Dollar, Sanadkii
 Waxay Noqonaysaa 12,000,000*12=
144,000,000 Usdollar, Sanadkii Waxay Noqonaysaa Boqol Afartan Iyo Afar Milyan,
28 Sano Waxay Noqonaysaa 144,000,000*28=
4032,000,000 Usdollar, Afar Bilyan Sodon Iyo Laba Milyan Oo Dollar!!!!!!!!, Waxaynu Xisaabinay Dhaqaalaha Inagaga Khasaara  Maandooriyaha Ama Qaadka Ama Jaadka, Ee Weliba Itoobiya Aynu Ka Soo iibsano Khudrada, Shibidhka, Galayda Iyo Hadhuudhka, Oo Haddana Aanay Ogolayn Inay Ganacsatada Somaliland Si Xor Ah Ay Uga Ganacsadaan Wadanka Itoobiya.
Madaxwayne Muuse Biixi Waxaa La Gudboon Inuu Shuruud Adag Hor Dhigo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad Oo Uu Yidhaahdo Itoobiya Laba Mid Ha Soo Gasho Inay Qaadkooda Iyo Ganacsiga Kale Ee Nooga Yimaada Itoobiya Ay Iska Haystaan, In Itoobiya Ay Ogolaato In Lays Dhaafsado Dhinaca Ganacsiga Oo Labada Wadanba Ganacsigoodu Mid Ahaan Aanu Noqon Koontarabaan, Ganacsigiinuna Uu Sharci Noqdo!!.
Madaxwayne Muuse Biixi Waxaan Kula Talinayaa Intaanu Tegin Wadanka Itoobiya Ee Lagu Marti Qaaday Inuu Sii Diyaarsado
Qodobo Raysal Wasaare Abiy Axmad Uu Adhaxda Kaga Jabo Ama Madaxwayne Biixi Uu Qaadaco Marti Qaadka Raysal Wasaare Abiy Axmad Ama Uu Wakhti Kale Ku Beego, Si Aanu Xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya Aanu U Xumaan!!!!!!!!!!, Marti Qaadkanina Waxaan U Arkaa Wanjal Ay Wada Qorsheeyeen
Abiy Axmad Iyo Farmaajo!!!!!!!!!!!.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker