Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo Ka Hadlay Dabka Xalay Ka Kacay Kismaayo

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha dhaliyay ee xalay ka kacay magaada Kismaayo.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas.

Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka” ayuu yiri Mr Xamse.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker