Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Bilowday Hawl Galkii Ay Magaalada Kaga Saaraysay Geela

Dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa maanta iyadoo fulinaysa amar ay hore u soo saartay oo ahaa in xoolaha laga saaro magaalada, waxay 14 neef oo Geel ah ay ka saartay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar ayaa sheegay in muddada ay u qabteen meesiga Geela ay ku eekayd Bishan Afarteedii, sidaas awgeed ay bilaabeen hawlgal ay kusoo qab qabanayaan xoola dhaqatada u hogaansami weyday amarkooda, waxaana uu xusay in qaybtii ugu horreysay ee Geela ay qabteen maanta isla markaana ay ku ururiyeen xero loogu talogalay.

Maayar ku xigeenku waxa uu intaas raaciyay in Geela ay maanto soo qabteen uu yahay 14 neef, isagoo tilmaamay inay ogyihiin geel kale oo ku jira soonaha magaalada, waxaana uu sheegay in toddobaadkan iyo maalmaha kale ee soo socda ay wadi doonaan sidii Geela iyo xoolaha kaleba looga ururin lahaa magaalada.

Geesta kale, Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa waxa uu intaas ku daray in Geela ay soo qabtaan hawlwadeennada dawladda hoose ee Hargeysa ay sharciga horgeyn doonaan, isagoo ugu baaqay dadweynaha weli haysta fursadda inay xoolahooda kala baxaan magaalada, ka hor intaan dawladda hoose soo gaadhin, gaar ahaan dadweynaha dhaqada Lo’ada oo ah meesiga labaad ee dawladda hoose ee Hargeysi ay ka saari doonto magaalada, sida uu sheegay Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker