labada Xildhibaan ee kala ah Ilhaan Cumar iyo Rashiida Oo Booqanaya Daanta Galbeed ee Cariga Falastiin & Israaiil oo aad uga cadhootay

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa go’aan ka gaadhaya qorshe ay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ku dooneyso inay bisha soo socoto ku booqato Daanta Galbeed, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Israel.

 

Ilhaan ayaa waxaa sidoo kale socdaalkan ku weliya Rashida Tlaib oo Iyana ka tirsan Aqalka Wakiilada. Rashida ayaa asal ahaan kasoo jeedda Falastiin, hase yeeshee waxay ku dhalatay Mareykanka.

 

Israel ayaa meel-merisay sharci u diidaya inay Daanta Galbeed soo galaan dadka taageera dhaqaaqa loo yaqaan BDS oo ah mid lagu qaadacayo Israel inta ay ka ogolaaneyso xeerarka caalamiga ah, ayna ka baxeyso dhulka

 

Netanyahi ayaa sharciga u adeegsan kara inuu Ilhaan iyo Rashida u diido inay soo galin  Daanta Galbeed.

Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa loo ogol yahay inay mararka qaar hareer marto sharciga, haddii diidmada qofka loo arko inay dhaawici karto Xidhiidha arrimaha dibedda, sida uu weriyey wargeyska Haaretz.

Sida uu daabacay wargeyska Netanyahu ayaa hadda looga fadhiyaa inuu shaaciyo go’aankaas ku aadan Ilhaan iyo Rashida, oo doodo badan ka dhaliyey Mareykanka, ayaga oo u doodaya  xuquuqda Falastiiniyiinta loo rogay inay naceyb u qabaan Yahuudda.

 

Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii u sheegtay wargeyska Jewish Insider in iyada iyo Rashid ay qorheynayaan inay gobolka booqdaan toddobaadyada soo socda.

Labadooda ayaa dhowaan waxay diyaariyeen sharci xaq u siinaya dadka Mareykanka inay qaadici karaa Israel oo ay taageeri karaan BDS, inkasta oo ay u badan tahay inuusan ka anisixin Aqalka Wakiilada Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker