Dagaal ka qarxay magaalada Garoowe

Dagaal ayaa maanta ka qarxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka oo ka soo horjeeda xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Dagaalka ayaa qarxay markii xildhibaanada baarlamanka ay billaabeen inay ka doodaan qodob ku saabsan furista dastuurka si wax looga beddelo, taasi oo mucaaradka ay diidan yihiin.

Dadka magaalada ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-weydaarsanayeen dhinacyada. Weli ma cadda khasaraaha ka dhashay.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa xalay ka baxay xaafadaha qaar ee magaalada, ayaga oo ka cabsi qabay dagaalka saaka qarxay.

Ciidamada mucaaradka ayaa xalay fiidkii fariisimo ka samaystay bartamaha magaalada iyo weliba inta badan waddooyinka aada xarunta golaha baarlamanka ee Puntland.

Ciidamadan hubaysan ayaa joojiyey isu-socodka gaadiidka iyo dadka ee goobaha ay fariisimada ka samaysteen.

Dhinaca kale, baarlamanka ayaa war uu soo saaray goor dambe ku sheegay inuu ogolaaday in la furo dastuurka. Kulanka ayaa waxaa fadhiyey kaliya 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha.

“Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha golaha, waxaa ogol ugu codeeyay 34 mudane, diidmo 1 mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay baarlamanka.

Illaa hadda xukuumaddu kama hadal, dhacdadan amni ee ku soo korodhay magaalada Garoowe, taas oo si weyn loo hadal hayey 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker