Wasiirro Ka Socda Xukuumadda Oo Laascaanood Kula Kulmay Qoyska Askari Lagu Dilay Laascaanood

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo uu Weheliyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo ku sugan Gobolka Sool iyo Weliba Mas’uuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ayaa Maanta kula kulmay xarunta Maamulka Gobolka Sool ee Laascaanod ehelada askari Ka Tirsanaa Ciidanka Booliska oo Lagu Magacaabi Jiray alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Bile Faarax oo dhawaan isagoo hawl gal qaran ku jira ku geeriyooday magaaladaasi.

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Taliyeyaasha Qaybta Booliska ee Gobolkaasi iyo Taliyaha aaga bari ee Ciidanka qaranka oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa u Tacsiyadeeyay ehelada askarigaas geeriyooday iyagoo sheegay in askarigaasi uu gudanayay waajibaadka qaran ee saarnaa kadib markii gacan ka xaq darani ay ku dishay Magaaladda Laascaanood 17-kii Bishan May.

 

Dhanka Kale Wasiirka Wasaaradda Biyaha Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in iyagoo ku hadlaya afka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo Ciidanka Booliska ee uu ka baxay alle ha u naxariistee askarigaasi Wasiiradu waxay intaas ku dareen in Sharciga la hor keeni doono Cidii falkaasi fulisay.

 

 

 

Oodweynenews Sool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker