Maxkamad ku taalla Nigeria oo diiq ku xukuntay gowrac

Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa mulkiilaha diiqii qeylada badnaa u qabatay ilaa Jimcaha inuu gowraco ka dib markii ay ka cawdeen qaylo daran oo deriska saameysay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Maxkamad ku taal waqooyiga magaalada Kano ayaa ku dhawaaqday Diiqu inuu dhib ku hayo xaafadda maadaama uu si aan kala joogsi lahayn u ciyey oo ay laba qof oo deris ahi sheegeen inuu hurdadii ka joojiyay, sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Premium Times.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah oo lagu magacaabo Yuusuf Muxamed, ayaa maxkamadda u sheegay in cida saa’id ka ah ay xadgudub ku tahay xaqa uu u leeyahay hurdo nasasho leh.

Isyaku Shu’aibu ayaa maxkamada u sheegay in uu diiqan uu usoo iibiyay ciida jimcaha wanagsan uuna codsaday in lasiiyo ilaa maalinta masiixiga fasaxa masiixiga.

Garsooraha Maxkamadda Xaliimo Wali waa ay aqbashay codsiga Talaadadii balse waxa ay uga digtay in uu ka ilaaliyo Diigaaga in uu dhex mushaaxo deegaanka oo uu dadka arbushaad ku sameeyo, sida ay ku dartay Daily Trust.

Milkiilaha ayaa sidoo kale lagu amray inuu hubiyo inuu gowraco diiqan maalinta jimcaha sida uu balan qaaday ama uu wajihi doono ciqaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker