TAAGEERADA XILDHIBAAN YAASMIIN CALI XIRSI.

Xidhibaan Yaasmiin Cali Xirsi waa gabadh aqoon iyo karti dheeraad ah u leh in ay kasoo dhalaasho shaqada Xildhibaanimo ee Golayaasha Deegaanka gaar ahaan Gobolka Saaxil degmada Berbera.
Xidhibaanadu waxa ay aqoon iyo waaya-aragnimo shaqo oo dheeraad ah ay u leedahay sida horumarka iyo bilicda magalooyinka loo sameeyo.Waxa kaloo xildhibaanada laga filan karaa in ay wax badan kusoo kordhin doonto Somaliland gaar ahaan Deegaankeedaasi ay iska sharaxday ee Berbera.
Xildhibaan yaasmiin Cali Xirsi  madamaa ay deegaan ku tahay dalka Ingiriiska hadana,waa gabadh wakhti aad u badan ku bixisay waxyabaha Danta guud ah,sida dhaqalaha dadka iyo dalka kaba lagu taageeraayo.
Waxa kaloo ay xildhibaanadu ka mid tahay haweenka fara-kutiriskaa ee Somaliland u guntada sidii ay aqoonsi caalami ah Dunida uga heli lahayd.Waana arimaha mudan in Yaasmiin Cali Xirsi lagu doorto.
Xildhibaan yaasmiin Cali Xirsi waxa ay inbadan kasoo shaqaysay walibana doormuuqda ka noqotay Ururada khayrigaa ee dadka tabalaysan wax loogu qabto,waani arin mudnaanteeda iska leh.
Waxa aanu ka codsanaynaa dhamaan dadka Somaliland gaar ahaan Reer Saaxil in ay Xildhibanadaasi u guntadaan sidii ay dadka iyo dalkaba ay wax ugu qaban lahayd codkoodana ay siiyaan.
Mahadsanidin.

 

baasheabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker