Mareykanka Oo Joojiyey Dhaqaalihii Uu Siin Jiray Hay’adda Qaxoontiga Falastiin & Jarmalka Oo Kordhiyey Deeqdii Uu Siinayey

Deeqdii lacageed ee dalka Mareykanku siin jiray hay’adda qaxoontiga Falastiin ayaa uu joojiyey, ka dib markii uu tallaabadaasi go’aansaday Madaxweyne Trump, balse dalka Jarmalka ayaa isla markiiba ku dhawaaqay inuu kordhinayo dhaqaalihii uu siin jiray hay’adaasi.

Hay’adan oo la yidhaa UNRWA ayaa hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxoontiga Falastiiniyiinta.

Haddaba, War bixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA.

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe.

Bishii koowaad ee sanadkan ayaa Mareykanka waxa uu shaaciyey inuu xayirayo in ka badan kala badh dhaqaalaha uu siin jiray hay’addaasi.

Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyey kharash gaadhaya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda uu siiyo hay’addani, maadaama oo ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker