BURCO OO BARAARUGTEY

Annagoo ah aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Burco ee deggan magaalada Sheffield, UK, waxanu taageero buuxda u muujinaynaa hadalkii uu guddoomiyaha golaha degaanka ee degmada Burco Mr Maxamed Muraad ka jeediyey shir saxaafadeedkii uu ku qabtay Hargeysa iyo taageeridii ay siiyeen xildhibaannada golaha degaanka Burco oo aanay u kala hadhin. Shir saxaafadeedkaas oo ku saabsanaa xeerka midaynta cashuuraha ee xeer 12, waa xeer ay reer Burco muddo dheer sugayeen wax ka qabashadiisa. Waana baahi abuuri karta itijaah siyaasadeed oo reer Burco midayn kara kana saari kara qayaaladda ay iyagu gudohooda isu muuqdaan
Sidaa-awgeed, waxanu ku talinaynaa shantan qodob ee soo socda:-
In aanay xildhibaannada golaha degaanka ee Burco halkaa ay manta dhigeen ka soo noqon,
In ay dhammaan dadweynaha reer Burco u midoobaan la soo noqoshada dakhliga cashuurtooda ka maqan sida ay degmooyinka iyo gobollada kaleba u qaataan dakhliga cashuurahooda,
In aanay ganacsatada xoolaha dhoofiya ee reer Togdheer dhoofin neef qudha moosinka xajka ee sannadkan ilaa dakhliga cashuurta ee xoolahooda loo soo celiyo,
Inay wax kasta oo kale oo ka maqan oo xaq u leeyihiin ay doontaan.
Ugu dambayn, waxanu halkan hambalyo uga diraynaa dhammaan xildhibaannada golaha degaanka ee degmada Burco oo muujiyey gudashada xilkii loo igmaday.

 

 

Waa Bilaahi Tawfiiq

mataan27@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker