Nin Saddex Qof Ku Dhaawacay Weerar Mindi U Adeegsaday Dalka Jarmalka

Saddex qof ayaa Sabtida maanta ah ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha tareen u kala safrayay magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee dalka Jarmalka, sida uu wariyay wargeyska maalinlaha ah ee Bild. Wargeyska ayaa intaa ku daray in booliisku ay qabteen qofkii weerarka geystay.

Wargeyska ayaa wariyay in aanay jirin faahfaahin laga bixiyay qofka weerarka geystay, dhibaneyaasha, iyo in dhaawacyada soo gaaray ay yihiin kuwa halis ah.

Weerarka ayaa 08:30 subanimo ka dhacay meel u dhow Neumarkt, iyadoo tareenkan oo ah kuwa xowliga ku socda lagu hakiyay magaalada Seubersdorf ee koonfur bari Nuremberg, sida uu wargeysku daabacay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker