Isbitaalkii ugu dambeeyay magaalada El-fasher Sudan oo la xidhay

Dhakhaatiirta mid ka mid ah isbitaalada magaalada hareereysan El-fasher ee Sudan ayaa sheegay in lagu qasbay in ay xiraan isbitaalka ka hor inta aan la weerarin.

Hay’adda MSF ayaa gacanta ku haysay isbitaalka, wuxuuna ahaa sida hay’adda sheegtay isbitaalka kaliya ee magaalada ka shaqeynaya ee la keeno dhaawacayada.

Dhowr maalmood ayaa la sheegayay in isbitaalka ay ku soo dhacayeen madaafiic sababay dhaawac iyo dhimasho. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan askarta RSF ay soo galeen magaalada.

Sabatigii isbitaalka ayey rasaas ku fureen, waxayna bililiqeysteen daawo, qalab caafimaad iyo gaari kuwa gurmad degdegga. Sidoo kale waxay weerareen shaqaalaha isbitaalka.

“Dagaalka dartiisa shaqaalaheena ma aysan awoodin in ay cadeeyaan dhimashada iyo dhaawaca”.

Hay’adda MSF waxay sheegtay in hadda isbitaalka u xiran yahay maadama uu dagaalka ku soo dhawaaday.

Ciidamada dowladda Sudan waxay dagaal kula jireen sanadkii la soo dhaafay kuwa RSF, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay xadgudubyo baahsan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker