Maalinta kama dambeysta ah ee ay Xujeyda ku tegi karaan Sacuudiga oo la gaadhay

Maanta oo ah Isniin waa maalintii ugu dambeysay ee dowladda Sacuudiga ay u asteysay maalinta ugu dambeysay ee Xujeydu ay uga imaanayaan dunida ayna tagayaan dalkaas si ay u gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Maanta saqda dhexe 12:00, Isniin xilliga Sacuudiga, ayay dowladdu sheegtay inay xirmi doonaan lixda garoon ee dalkaas.

Arrintan ayaa waxay ku qasbeysaa dalalka ay tirada ugu badan ee Xujeydu ka imaaneyso inay soo dhammeystiraan safarka Xujeyda kahor muddada kama dambeysta ah.

Garoomaha sanadkan loo qoondeeyay inay Xujeyda kusoo degaan ayaa ku kala yaalla magaalooyinka Riyadh, Jeddah, Medina, Dammam, Taif, iyo Yanbu’u.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker