Cadho ka dhalatay dhakhtarkii “halyeyga ahaa” oo u dhintay cudurkii dartiis loogu hanjabay

Cadho ayaa ka dhalatay geerida ku timid dhakhatrkii u dhashay Shiinaha kaas oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay.

Shacabka Shiinaha ayaa si weyn uga xumaaday geerida dhakhtarka halka qaarkoodna ay dowladda ku eedeeyeen in dowladdii markii hore ay qarisay cudurka.

Geerida ku timid dhakhtar Li Wenliang waxay horseeday doodda ah in Shiinaha aysan ka jirin ilaalinta xoriyatul qowlka.

Waaxda la dagaalanka musuq maasuqa ee dalkaas ayaa sheegtay inay bilaabeyso baaritaanno ku aadan geerida dhakhtarka.

Li Wenliang wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgaleysay isbitaalka guud ee magaalada Wuhan, wuxuuna digniinta ku saabsan cudurkan saaxiibadiisa shaqada u diray 30-kii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Booliska ayaa markaas ka dib ku booqday gurigiisa waxayna ku amreen inuu joojiyo digniintaas, maadaama ay mas’uuliyiintu doonayeen in la qariyo warka ku saabsan caabuqaas cusub.

Coronavirus ayaa hadda galaaftay nolosha in ka badan 636 ruux, wuxuuna soo ritay dad kor u dhaafaya 31,161 oo reer Shiines ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker