Madaxweyne Trump oo ka hor yimid sharci u yaalla dalka Mareykanka

 

 

Aqalka Cad ayaa diiday inuu aqbalo waqtiga kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in canshuur celinta madaxweyne Trump loo gudbiyo aqalka wakiillada ee Koongareeska.

Madaxa guddiga Aqalka Cad, Richard Neal ayaa sheegay inuu ku guul daraystay inuu xareeyo celinta canshuuraha oo horay loogu qabtay 23-kii bishan Abriil, balse taasi ayaa loo fasiran karaa diidmo.

Mr Trump ayaa sheegay inuusan doonaynin in akhbaartiisa la shaaciyo, sidaas awgeedna uusan celin doonin canshuurahaas.

Xisbiga dimuqraadiga ayaa ka digay in arrinkan tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Hadalka madaxweynaha wuu cadyahay: marka xisaabaha la xiro, markaas ayuu ka fikiri doonaa wixii uu samayn lahaa”, waxaa sidaas warbaahinta Fox News ku yidhi Hogan Gidley oo kamid ah kooxda warfaafinta Aqalka Cad.

 

Waaxda u xilsaaran dakhliga dalka ayaa horay u sheegtay inay soo saari doonto xisaabaha.

Xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ahaa 23-kii bishan Abriil, balse maamulka Trump ayaan weli arrinkan u hoggaansamin.

Madaxweynayaashii horay Mareykanka usoo maray ayaa tan iyo 1970 waxa ay celin jireen canshuuraha dalka.

Waaxda maaliyadda ayaa sheegtay inay baareyso arrinkan, ayna kala tashan doonto waaxda caddaaladda.

Xog-hayaha waaxda Steven Mnuchin ayaa sheegay in ay go’aan kama dambays ah soo saari doonan 6-da bisha May.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa dalbanaya in tallaabo sharci ah laga qaado

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker