Haweeney Geeriyootay Laguna Xareeyey Qaboojiyaha Maydka Kadibna Laga Soo Saaray Iyadoo Nool

Carletonville (OWN)- Dhacdooyinka caalamka ka dhacay Todobaadkan  ee dad badan ka yaabiyey ayaa waxaa ka mid ah Haweeney u dhalatay wadanka koonfur afrika oo horay loo shaaciyay in ay geeriyootay kadib shil gaadhi oo ay gashay  ayaa markii danbe  laga soo saaray qaboojiye-yaasha qolka meydadka la dhigo.

 

Waaxda adeega qaran ee gurmadka deg deg ah ayaa waxaa ay sheegeen in haweeney aan la magacaabin oo horay saraakiisha caafimaadka u shaaciyeen in ay geeriyootay ay haatan nooshahay.

 

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Carletonville oo dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Johannesburg afar iyo labaatankii bishii la soo dhaafay ee Juun.

 

 

&

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker