Waxaa warbaahinta Somaliland lagu wada arkay cabashadii hablaha koonfurta magaalada Hargeisq

Ramadaan mubaarig dhamaan ummada islaam ka ah;

Gaar ahaan ummada somaliyeed.

Waxaan warbaahinta somaalida ku arkaayay ninkii caayay hablaha somaliyeed gaar ahaan kuwa dega koonfurta Hargeisa iyo nawaaxigeeda ninkaasi waxuu warbaahinta ka sheegay in bisha ramadaan ay reeban tahay xumaantu oo aan la faafin waxii xun, xumaantu waa wax markasta reeban oo aan kali ku ahayn bisha ramadaan ee horta taa ha ogaado ninkaasi kow ta labaad caydii hablaha ee uu buuga ku qoray maxuu ka yeelay, ma garawsaday caydu waxay tahay mise isaga waa u xalaal cayda dummarku.

Waxaa warbaahinta Somaliland lagu wada arkay cabashadii hablaha koonfurta magaalada Hargeisa oo aad uga hadlay caydaa iyo gefkaa iyo aflagaadadaas foosha xun ee lagula kacay, hadaba waxaan fariintaydan ku wadaa madaxwaynahe muuse biixi

Waxaan leeyahay madaxwayne waxaad bulshada u cadaysaa inaad arintaas gefka iyo aflagaadada ah aad raali ka tahay oo aanay dhib kugu hayn, iyo inaad qorshe cad ka leedahay oo aad sugaysid wakhtigii fulinta hawshaas, madaxwayne waxay bulshada

Somaliland iyo hablahii la caayay ba kuu sheegeen in ay fududahay talaabada kula gudbooni, sida tana ay kuu sheegeen:

1) Kow inaad shaqada ka erido ninkaasi cayda iyo aflagadada ku kacay.

2) In lasoo uruuriyo buugii uu qoray ee lagu caayay hablaha

3) In si midaysan loo gubo buugaas

4) In uu raali gelin iyo xaalba uu bixiyo (public) ah waa haddu xaalku qabto’e.

Madaxwayne waxaa lagaa rabaa inaad qodobadan hoos ku qoran ee hablaha iyo bulshaduba kaa codsatay aad dhegaha u furataa oo wax ka qabataa.

 

 

Allah mahad leh

Ak gaariye

Akjama2012@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker