Guddoomiyaha ha’ayadda Shaqaalaha dawladda JSL Oo kulan uu la qaatay Wakiilka Banggiga Aduunka Geeka Afrika

Guddoomiyaha ha’ayadda Shaqaalaha dawladda Somaliland Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa ka warbixiyey kulan uu la qaatay Wakiilka Banggiga Aduunka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Hugh Riddell, iyo Wefti uu hoggaaminaayo .

 

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu wuxuu xusay inay weftiga Baanka Adduunka uga xaal-warameen xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga adduunka iyo hay’adda shaqaalaha dawladda isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “Intii uu kulanku socday waxaan uga xaal waranay xogta iyo xaalka dhinacyada is-kaashi ee banggiga aduunka iyo sida oo kale hay’adda shaqaalaha dawladda, iyada oo aan ka wada hadalnay hannaanka haboon iyo hillinka loo marayo hiigsiga hay’adda shaqaalaha dawladda ee helitaanka shaqaale xulan, xirfad leh oo xoolo iyo xasaanad ba ka dhisan.”

 

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland , Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa sheegay in Mr Hugh Riddell uu dhinaciisa bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hay’adda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo nidaamka ay u wada shaqeeyaan labada dhinac, waxaanu balan qaaday inuu rajaynayo in kor loo sii qaadi doono wada shaqeynta labada geesoodka ah.

 

“Mr Hugh Riddell waxa uu bogaadiyey hawshaa baaxada badan ee hay’adda shaqaalaha dawladdu qaranka u hayso iyo sida xirfada iyo xikmada leh ee ay u wada shaqeeyaan labada dhinac isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan iyo wada shaqayn tolmoon.” ayuu yidhi.

 

isku soo wada duuboo, hawl-qabadka dib u habaynta shaqaalaha dawladda oo mudooyinkii u dambeeyey ahaa shamac ka dhex ifayey mashaariicda horumarineed ee dalka Somaliland soo gaadhay ayaa saxiibada hay’adda shaqaalaha ka taageera ka tibaax bixiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin hab-socodka iyo hogaaminta uu ku socdaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker