Xisbiga Waddani Oo Marwo Faadumo Siciid ku Tilmaamay Shaqsi Lahaa Waxqab iyo Hawl karnimo , ina sii duceeyay

Xoghayihii Xisbiga Waddani ee Arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid ayaa iskaga tagtay xisbiga Waddani waxaanay si weyn uga taxadartay in ay wax dhalliil ah ku sagootido xisbigaasi.

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa iyaguna niyadsamaan ku macasalaameeyay Faadumo Siciid.

Afhayeenka guud ee Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal uu soo saaray u dhignaa sidan:

“Horre iyo dambeysaba Madaxda, Mas’uuliyiinta, Maamulka Laamaha Dibadda, iyo Gudaha,Taageerayaasha Xisbiga Waddani meel kasta oo ay daafaha dunida ka joogan waxay ku hayaan Abaal iyo Ogaal Halgankaagi iyo Hawshii  Xisbiga aad u soo qabatay. Haddana sidaad u sheegtay inu Waddani yahay Xisbiga Wanaag iyo Sharaf kaa Mudan ayaad nooga wada mudan tahay mar walba iyo meel walba Marwo, Go’aankaaga shaqsiga ahna waanu kugu tix-galineyna Gallad Alle iyo Guul garabkaaga ha ahaato.”

 

Sida oo kale xoghayaha gaarka ah ee guddoomiye Cirro Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi

“Waxa aan si milgo iyo maamuus leh u sii sagootinayaa Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI oo aan muddaddii ugu dambeysay ee ay xilkaa haysay aan si dhow u wada shaqeynay, runtiina xisbi ahaan naga mudan ixtiraam iyo qaddarin go’aanka shakhsiga ah ee ay qaadatay maanta.

Marwadu sida ay caddeysay khilaaf kuma ay tegin, balse waxaa tixgelin mudan go’aankeeda qofnimo in aan dhammaanteen ku wada ixtiraamno, noloshuna waaba geeddi iyo geeri u joog, sidaa awgeed maadaama oo ay tahay qof marwo ah oo naga mudan xurmo, waxa aan ku ambabixinayaa ereyada ugu wanaagsan ee la isku sagtootiyo; Marwooy meel kasta oo aad tagto meeqaamkaaga iyo maamuuskaagaba hel idamka Alle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker